Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro iyo masuuliyiin ka socday waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, ayaa booqasho iyo kulan shaqo la yeeshay Shirkadda Horumarinta Cusub ee Muqdisho (New Mogadishu Development Company – NMDC).

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa waxa ay dhageysteen warbixin dhammaystiran oo faahfaahsan oo ku saabsan qaab-dhismeedka hawlgalka NMDC, nidaamka fulinta mashaariicda kaabayaasha horumarinta, gaar ahaan kaabayaasha korontada ee New Mogadishu, iyo doorka istaraatiijiyadeed ee Shirkaddu ku leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Related posts

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray qaybaha istaraatiijiyadeed ee Garoonka Caalamiga ah ee New Mogadishu (New Mogadishu International Airport – NMIA), iyadoo la falanqeeyey hindisayaasha horumarineed ee la xiriira kaabayaasha duulista hawada iyo gaadiidka qaranka.

Ugu dambayn, kulanka ayaa lagu lafa-guray fursadaha iskaashi iyo wadashaqeyn ee u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Shirkadda NMDC, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo lagu xaqiijinayo horumar waara, kobaca kaabayaasha istaraatiijiga ah, iyo taageeridda himilooyinka horumarineed ee qaranka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In