Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro iyo masuuliyiin ka socday waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, ayaa booqasho iyo kulan shaqo la yeeshay Shirkadda Horumarinta Cusub ee Muqdisho (New Mogadishu Development Company – NMDC).
Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa waxa ay dhageysteen warbixin dhammaystiran oo faahfaahsan oo ku saabsan qaab-dhismeedka hawlgalka NMDC, nidaamka fulinta mashaariicda kaabayaasha horumarinta, gaar ahaan kaabayaasha korontada ee New Mogadishu, iyo doorka istaraatiijiyadeed ee Shirkaddu ku leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray qaybaha istaraatiijiyadeed ee Garoonka Caalamiga ah ee New Mogadishu (New Mogadishu International Airport – NMIA), iyadoo la falanqeeyey hindisayaasha horumarineed ee la xiriira kaabayaasha duulista hawada iyo gaadiidka qaranka.
Ugu dambayn, kulanka ayaa lagu lafa-guray fursadaha iskaashi iyo wadashaqeyn ee u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Shirkadda NMDC, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo lagu xaqiijinayo horumar waara, kobaca kaabayaasha istaraatiijiga ah, iyo taageeridda himilooyinka horumarineed ee qaranka.





















