Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay shirkadda Cowater oo ah shirkad fulineysa Mashruuca Xoojinta Xariirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, waxaana ay halkaas Agaasimaha ku siiyeen warbixn ku saabsan shaqooyinka iyo ujeedooyinka Mashruuca.
Agaasimaha Guud, ayaa wuxu dhankiisa la wadaagay waxyaabaha hor tebinta u leh, isaga oo xusay in Soomaaliya ay soo dhawaynayso sidoo kale na dhiirigelinayso Maalgashadayaasha Midowga Yurub, waxa kale oo uu tilmaamay inay u diyaar garoobayaan sidii wax soo saarka Soomaaliya looggu dhoofin lahaa wadamada Yurub.