Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Safiirka Shiinaha oo ka wada hadlay caawinta Warbaahinta Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Safiirka Shiinaha oo ka wada hadlay caawinta Warbaahinta Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uulin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa maanta xarunta Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Ambassador Qin Jian.

Kulanka oo ay dhanka Wasaaradda ku wehliyeen Agaasimaha Guud, Agaasimaha Maamulka Nasir Xasan Xuseen, Latilayaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Koronto iyo Agaasimaha Qorshaynta Cabdiraxmaan Axmed Xuseen halka Safiirka Shiinaha uu wehliyay Madaxa qaybta Siyaasadda iyo Warfaafinta Mr Yu Hanaan.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo la isla qaatay in labada dal ay sameeyaan is dhexgal dhanka Saxaafadda ah, taas oo dhawaan la hirgelindoono, waxaana lagu bilaabi doono in saxafiyiin Soomaaliyeed oo ka socda qaybaha Warfaafinta ay Wasaaraddu u dirto dalka Shiinaha si ay waxbadan uga soo ogaadaan sida uu Dalkaasi ushaqeeyo, iyadoo ay safarkaas fududaynayso Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyay Safiirka sida ay u garabtaaganyihiin Soomaaliya gaar ahaan dhanka Saxaafadda , Dhaqanka iyo Dalxiiska, isagoo xusay in taageeradoodu aanay ahayn mid cusub oo waqti dheer uusoo jiray.

Ugu danbayntii labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo sidii labada bulsho loogu kala warqaadi lahaa, iyadoo labarayo fursadaha ka jira labada Dal, sida dhaqaalaha, Waxbarashada, Dhaqanka, Ganacsiga, Dalxiiska iyo Arrimaha la midka ah.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo daah furay Shirka Madasha Horumarinta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In