Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo,ayaa Maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Abdifatah Mahad Abdirahmaan,Maareyaha Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Salaad Mohamed Muktaar,Siyaasiyiin,Sarakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan Bulshada, ayaa wafdiga Baydhabo kusoo dhoweeyey.
Agaasime,ayaa socdaalkiisa Baydhabo ku qotama hordhaca Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo qeybgalaya Shirka Dib-uheshiisinta Koonfur Galbeed.