Agaasimaga guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Col; Maxamed Aadan Koofi oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda xiriirka dibadda ee HSJ oo Safar shaqo ku jooga Dalka Sacuudiga, ayaa booqdey Xarunta Qunsuliyadda guud ee magaalada Jeddah.
Ujeedka booqashada Agaasimaha ayaa aheyd u kuurgelidda habsami u socodka howlaha bixinta baasaboorka iyo kaarka Aqoonsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad iyo Qunsuliyadda guud ee Jeddah.
Agaasimaha ayaa sidoo kale inta uu halkaasi joogo waxa uu xallin doonaa caqabado iyo cabashooyin soo noqnoqdey oo la xariira arrimaha baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga, isagoo kulamo la yeelan doona mas’uuliyiinta waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee Dalka Sacuudi Carabiya.
Agaasime Koofi ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la qaatay ku simaha Qunsulka guud iyo Diblomaasiyiinta kala duwan ee ka howlgalla qunsuliyadda guud, waxayna ka wada haldeen ilaalinta sharciyada guud ee Dalka, gaar ahaan hab-raacyada bixinta Baasaboorka, Kaarka Aqoonsiga iyo habraaca bixinta Dal-ku galka (Visaha).
Ugu danbeyn Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo Sacuudiga ka dhageysan doona bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Sacuudiga cabashooyinka ay qabaan, iyagoo usoo jeedin doono talooyin la xariira Xafiiska ay Hay’addu ku leedahay Safarada Soomaliya ee Dalka Sacuudiga.