Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab) oo ay wehliso Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Agoonta iyo Daryeelka Da’yarta Tabaalaysan ee Maamulka Gobolka Banaadir Ilhaan Aways Axmed ayaa maanta waxa ay Kitaabka Quraanka Kariimka ee Qolkii Eebbe u qeybiyeen gabdhaha ku jiro Xarunta Agoonta Gabdhaha Boondheere.
Qeybinta kitaabka Quraanka Kariimka ee gabdhaha ku jiro Xarunta Agoonta Gadhaha Boondheere ayaa waxaa qeyb ka ahaa Hay’adda Turkiga ee Gacan Walaal.