Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Ahmiyadda Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya (Qabanqaabada Munaasabadda)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Ahmiyadda Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya (Qabanqaabada Munaasabadda)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka waxaa ka socda qabanqaabada  xuska Todobaadka xoriyaadda Soomaaliya, todobaadkan wuxuu kulmiyaa maalmaha qarannimada dalka ee kala ah:-

1-26ka Juun oo ah Xornimadii gobollada waqooyi ee dalka,iyo markii ugu horaysay ee calan oo soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyed.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

2- 1da Luulyo. Waxay kulansatay waa maalintii xornimada gobollada koofureed iyo midowgii ama israacii gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed.

3- 27ka juun waa maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, isagoo tixgalinaya muhiimadda Qaranka Soomaaliyeed ugu fadhido xuska Todobaadka Xoriyadda ayuu wuxuu magacaabay guddi ka shaqeeya qabanqaabada munaasabadda xuska maalmahaasi ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu guddigaan u igmaday in ay ka shaqeeyaan qabanqaabada sanadguurada 59-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda, midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, wuxuuna  ka kooban yahay 7 xubnood oo kala ah:-

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

1: Guddoomiyaha Guddiga:-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta.

2: C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed, Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaaha xubin.

Shaqada ay qaban doonaan

1: in ay qabanqaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

2: in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qabanqaabada maalmaha xorriyyadda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa guddoomiyay kulan dhawaan muqdisho ay ku yeesheen Guddiga qaban qaabada Todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya’ Khadiija Maxamed  Diiriye iyo Mas’uuliyiin kale,iyadoo inta uu socday kulanka looga hadlay diyaar garoowga Todobaadka xorriyadda oo Maalmo yar ay ka harsan yihiin.

Guddigan oo uu 9-kii Bishan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,  waxay ka shaqeeyaan qabn qaabada iyo  isku dubaridka munaasabadaha loogu debaaldagayo Maalmaha qarannimada dalka.

26-ka June 1960-kii oo ah markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee Dalkeenna iyo 1-da July ee isla Sanadkaas oo ah markii ay xorrimada qaateen Gobollada Koofureed ee Dalkeenna iyo midoowgii Labada Gobol ayaa ah Maalmo si weyn looga xuso guud ahaan dalka Soomaaliya iyo qaybo badan oo ka mid dalalka Caalamka oo ay ku nool yihiin Shucuubta Soomaaliyed.

Dhan kale waxaa Qaybo badan oo dalka ka mid ah ka socda diyaargarowga soo dhawaynta todobaadkan qiimaha badan, waxaana haboon in Shacbiga ay si is xiqaan ah  u hagaajiyaan muuqaalka dhismayaasha iyo guryaha ku yaalla wadooyinka hareerahooda lagana lulo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo maamuuso todobaadkaasi nagu wayn,

Xuska Waynaynta Maalmaha Qaranimada, waxay ku abuuraysaa dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

W/D:- Abukar Gobdoon.

Previous Post

Ciidanka DANAB oo la wareegay deegaanno hor leh

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay “SAWIRRO”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In