Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ajaanib u soo dalxiis tegtay dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ajaanib u soo dalxiis tegtay dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo uu soo hagaagayo amniga guud ee dalka, waxaa dalkeenna soo gaaray dalxiisayaal Ajaanib ah, madax ka socota dalalku aynu saaxiibada nahay, howlwadeeno hay’adaha caalamiga ah, qurbooj iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo wax badan ka maqnaa dalka.

Dalxiisayaal u dhashay dalalka Austria iyo Jarmalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo Tiyaatarka Qaranka ( National Theater) ku daawaday heeso waddani ah, ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah iyo music toos ah ( Live).

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Dr. Heemo oo u dhashay dalka Austria ayaa ka warbixiyay isbeddelka uu arkay 2013-kii oo uu mar yimid iyo maanta oo la joogo 2024, wuxuuna sheegay inuu jiro isbeddel weyn oo dhanka ah amniga iyo horumar la taaban karo.

” Markii ugu horeysay oo aan Soomaaliya nimid waxay ahayd 2013, markaas oo aan Xamar nimid, Xamar sidan ma ahayn waxyaabo badan ayay ugu duwaneyd xilligaas, waxaan aragnay waxyaabo badan oo bur bur ah, iskuulada oo bur bursanaa aragnay, laakiin hadda waxyaabahaas oo dhan maan arag,” ayuu yiri Mr. Heemo.

Dalxiisahan u dhashay dalka Austria Dr. Heemo, ayaa sidoo kale, ka hadlay waxyaabaha aad u soo jiidday muddadii ay dalxiiska ku jireen oo ay meelo badan oo dalka ka mid ah ay soo mareen.

” Isbeddelka weyn ee aan aragnay waxaa ka mid ah labo shey, midka ugu horeeyo waa dadka oo hadda u heelan una fur furan in ay dadka Ajaaniibta ah la sheekeystaan soona dhoweeyaan, midda kale, oo ugu muhiimsan waxaa waaye xagga amniga, xagga amniga waxaa dareemeynaa inuu aad u soo hagaagay gaar ahaan markii aan u imaaneynay iyo hadda waxaan amni iyo bad-qab weyn dareemeynaa hadda,”’.

Dalxiisayaashan oo u kala dhashay dalalka Jarmalka iyo Austria, ayaa soo maray deegaannada Jubbaland iyo Shabeellaha dhexe, Eyl, Boosaaso iyo magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen isbeddel weyn oo dhanka kasta ah.

 

Previous Post

R/W Xamse oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha Qaran ee ka hortagga dhibaatooyinka

Next Post

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In