Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo maanta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dhici doonta 4-ta bisha July oo ah sabtida soo socda.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Cali Casir Gacal ayaa waxaa ka soo qeyb galay illaa 77 Xildhibaan, waxaana uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay tirada ansixisay Guddiga doorashada, oo ah 73 Xildhibaa, halka Xildhibaan uu diiday, waxaana ka aamustay saddex mudane, sidaas ayuu ku sheegay Guddoomiyuhu in ay tahay mid ansax ah.
Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ee la magacaabay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 9 xubnood oo leh Guddoomiye iyo Xogheyn sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Galmudug.
Hadaba qoraalka ka soo baxay Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ee lagu ansixiyay Guddiga doorashada ayaa sida ahaa:-