Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 18, 2017
in Wararka
0
Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka kala hadlay arimo u badan dhiira galinta hawgalada la doonayo in guud ahaan dalka looga ciribtiro Al shabaab, waxana uu sheegay Madaxweynaha sababta uu maanta u tagay wasaaradda Gaashaandhiga inay tahay in la isku diyaariyo Hawgalo kusoo food leh dowlada, wada shaqeyn buuxdana la yeesho

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

“Runtii waxaan halkan maanta u imid oo qeyb ka ah inaan halkan u bato oo aan si joogto ah u wada shaqeyno si aan isugu diyaarino hawgalada nagu soo fooda leh waxaa soo socda Join Operation oo AMISOM SNA iyo qolada Mareykanka oo iyaguna gacan naga siiya dhinacyo badan aan wada gali doono hawgalo, Hawgaladaasi waxay keeni doonaan inaan isku badano maadaama ay tahay inaan is aragno anaga iyo qolooyinkan shacabkeena laynaya, maxaa yeelay iyagu mar walbo weerar ayay soo qaadaan dadkeena ayay laayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Mudada Sideeda Bilood ah oo ay Xukuumadda dhisan tahay in la qabtay waxyaabo badan, isagoo sheegay in markasta ay dardaaran iyo wada hadal joogta ah la yeeshaan ciidanka si sharciga loo ilaaliyo

“Xukuumada waxay dhisan tahay sida loo ansixiyay waa sideed bilood iyo xoogaa, waxaan aaminsanahay in wax badan la qabtay wax badana ay inoo harsan yihiin, mar walbana aan dardaaran iyo wada hadal joogta aan idin heynay oo ay kow ka tahay in ciidanka dishibiliinkiisa la adkeeyo shuruucda la ilaaliyo, qof walba waa inuu ixtiraamaa kala dambeynta taas weeye waxa dowliga ah” ayuu yiri Madaweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay arimaha Musuq maasuqa iyo Hakadka la sheegay in Dowlada Mareykanka ay galineyso macaawinadii ay siineysay qaar ka mid ah ciidamada

“Arimaha Musuq maasuqa mar walbo si sahal ah ayaa dusha nalooga tuuraa, oo wixii xumaado anagaa nala dulsaaraa, arintii u dambeysay ee la leeyahay qaar ciidamadeena ka mid ah in macaawinadii la siinayay in hakad la gelinaayo waxaan idin sheegayaa anaga inaan isku tashano anaga inaan wax qabsano, dadkan Ajnabiga ee na taageera way mahadsan yihiin, ciidan geesiyiin ah ayaad tihiin waad soo halganteen wax kasta oo nalaga sheego, waxa weeye dadka u taagan dalkaan difaaciisa oo u diyaar ah inay ka saaraan cadowga umadda dhibaya intaas inay ku joogsato lama rabo, waxaa la rabaa dadka na caawinaya in kalsooni la galiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale balanqaaday hadii hakad la galiyo taageerada la siiyo ciidamada in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso in aysan saameyn ciidamada oo Mushaaraadkooda iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin ay helaan.

“Waxaan cadeyneynaa  in hadii wax hakad ah la galiyo anaga dowlad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in hakadkaas la galiyay Boqolkiiba Shan Boqol aysan qofna taaban, oo mushaar haday tahay iyo wixii kale oo agab ah oo looga baahan dowlada wixii karaankeeda ah inaan keeno taas oo aasaas u ah inaan isku tashano, hadii la yiraahdo ciidan ayaa halkaan ka baxaaya waa inaan walwalin oo aan isku tashano” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in ay ciidamada ku sameeyeen Tirakoob sax ah, baarlamaankana ay u gudbiyeen Sharciga Xaqsiinta oo ay rajeynayaan inuu sida ugu dhaqsaha badan u ansixiyo.

“Waxaan sameynay tira koob sax ah oo ay wax inoo kala cad yihiin ciidanka shaqeeya, kuwa aan shaqeynin, kuwa hawlgabka u baahan, ciidanka dhaawaca ah iyo agoonta, waxaan gudbinay sharciga xaqsiinta oo aan dooneyno baarlamaanka sida ugu dhaqsiyaha badan inuu u ansixiyo si dad badan oo active u ah ciidanka ay u galaan dhanka xaqsiinta, oo mushaaradooda inta ay qaataan ay ku qaateen iyagoo hawlgal ah, kuwa dhaawaca sidaas oo kale, agoonta sdiaas oo kale oo aan kala naqaano ciidamada diyaarka ka ah oo hawgalada gali kara iyo kuwa dhaawaca ah oo aan la isku qasin, taas waxay inoo suurta galineysa imisa ciidan ayaan u baahanahay inaan tababar u dirno, dadka na caawinaya qaabkan maaha sida ay ku shaqeeyaan marka waa inaan is hagaajinaa iskuna tashanaa”

Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u sheegay saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka in waqtigiisa ugu badan uu ku bixinayo Ciidamada, dhaqaalaha ugu badan ay dowlada ku bixin doonto ciidanka iyo sidii dalka loo xureyn lahaa

“Aniga waqtigeyga inta ugu badan waxaan siinayaa ciidan, dhaqaalaha inta ugu badan waxaan siineynaa ciidan, dhanka dagaalka ilaa aan dalkaan ka xureyno oo aan kusoo dabaaleyno nabad”

Previous Post

Xulka Kubadda Cagta ee Puntland oo u soo gudbay kama dambeysta tartanka

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo gaaray magaalada Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo gaaray magaalada Kismaayo “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda oo gaaray magaalada Kismaayo "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In