Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka kala hadlay arimo u badan dhiira galinta hawgalada la doonayo in guud ahaan dalka looga ciribtiro Al shabaab, waxana uu sheegay Madaxweynaha sababta uu maanta u tagay wasaaradda Gaashaandhiga inay tahay in la isku diyaariyo Hawgalo kusoo food leh dowlada, wada shaqeyn buuxdana la yeesho

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

β€œRuntii waxaan halkan maanta u imid oo qeyb ka ah inaan halkan u bato oo aan si joogto ah u wada shaqeyno si aan isugu diyaarino hawgalada nagu soo fooda leh waxaa soo socda Join Operation oo AMISOM SNA iyo qolada Mareykanka oo iyaguna gacan naga siiya dhinacyo badan aan wada gali doono hawgalo, Hawgaladaasi waxay keeni doonaan inaan isku badano maadaama ay tahay inaan is aragno anaga iyo qolooyinkan shacabkeena laynaya, maxaa yeelay iyagu mar walbo weerar ayay soo qaadaan dadkeena ayay laayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in Mudada Sideeda Bilood ah oo ay Xukuumadda dhisan tahay in la qabtay waxyaabo badan, isagoo sheegay in markasta ay dardaaran iyo wada hadal joogta ah la yeeshaan ciidanka si sharciga loo ilaaliyo

β€œXukuumada waxay dhisan tahay sida loo ansixiyay waa sideed bilood iyo xoogaa, waxaan aaminsanahay in wax badan la qabtay wax badana ay inoo harsan yihiin, mar walbana aan dardaaran iyo wada hadal joogta aan idin heynay oo ay kow ka tahay in ciidanka dishibiliinkiisa la adkeeyo shuruucda la ilaaliyo, qof walba waa inuu ixtiraamaa kala dambeynta taas weeye waxa dowliga ah” ayuu yiri Madaweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay arimaha Musuq maasuqa iyo Hakadka la sheegay in Dowlada Mareykanka ay galineyso macaawinadii ay siineysay qaar ka mid ah ciidamada

β€œArimaha Musuq maasuqa mar walbo si sahal ah ayaa dusha nalooga tuuraa, oo wixii xumaado anagaa nala dulsaaraa, arintii u dambeysay ee la leeyahay qaar ciidamadeena ka mid ah in macaawinadii la siinayay in hakad la gelinaayo waxaan idin sheegayaa anaga inaan isku tashano anaga inaan wax qabsano, dadkan Ajnabiga ee na taageera way mahadsan yihiin, ciidan geesiyiin ah ayaad tihiin waad soo halganteen wax kasta oo nalaga sheego, waxa weeye dadka u taagan dalkaan difaaciisa oo u diyaar ah inay ka saaraan cadowga umadda dhibaya intaas inay ku joogsato lama rabo, waxaa la rabaa dadka na caawinaya in kalsooni la galiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale balanqaaday hadii hakad la galiyo taageerada la siiyo ciidamada in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso in aysan saameyn ciidamada oo Mushaaraadkooda iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin ay helaan.

β€œWaxaan cadeyneynaa Β in hadii wax hakad ah la galiyo anaga dowlad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in hakadkaas la galiyay Boqolkiiba Shan Boqol aysan qofna taaban, oo mushaar haday tahay iyo wixii kale oo agab ah oo looga baahan dowlada wixii karaankeeda ah inaan keeno taas oo aasaas u ah inaan isku tashano, hadii la yiraahdo ciidan ayaa halkaan ka baxaaya waa inaan walwalin oo aan isku tashano” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in ay ciidamada ku sameeyeen Tirakoob sax ah, baarlamaankana ay u gudbiyeen Sharciga Xaqsiinta oo ay rajeynayaan inuu sida ugu dhaqsaha badan u ansixiyo.

β€œWaxaan sameynay tira koob sax ah oo ay wax inoo kala cad yihiin ciidanka shaqeeya, kuwa aan shaqeynin, kuwa hawlgabka u baahan, ciidanka dhaawaca ah iyo agoonta, waxaan gudbinay sharciga xaqsiinta oo aan dooneyno baarlamaanka sida ugu dhaqsiyaha badan inuu u ansixiyo si dad badan oo active u ah ciidanka ay u galaan dhanka xaqsiinta, oo mushaaradooda inta ay qaataan ay ku qaateen iyagoo hawlgal ah, kuwa dhaawaca sidaas oo kale, agoonta sdiaas oo kale oo aan kala naqaano ciidamada diyaarka ka ah oo hawgalada gali kara iyo kuwa dhaawaca ah oo aan la isku qasin, taas waxay inoo suurta galineysa imisa ciidan ayaan u baahanahay inaan tababar u dirno, dadka na caawinaya qaabkan maaha sida ay ku shaqeeyaan marka waa inaan is hagaajinaa iskuna tashanaa”

Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u sheegay saraakiisha hoggaamada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka in waqtigiisa ugu badan uu ku bixinayo Ciidamada, dhaqaalaha ugu badan ay dowlada ku bixin doonto ciidanka iyo sidii dalka loo xureyn lahaa

β€œAniga waqtigeyga inta ugu badan waxaan siinayaa ciidan, dhaqaalaha inta ugu badan waxaan siineynaa ciidan, dhanka dagaalka ilaa aan dalkaan ka xureyno oo aan kusoo dabaaleyno nabad”

Previous Post

Xulka Kubadda Cagta ee Puntland oo u soo gudbay kama dambeysta tartanka

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo gaaray magaalada Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo gaaray magaalada Kismaayo “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda oo gaaray magaalada Kismaayo "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In