Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Khudbaddii Madaxwayne Farmaajo ee xaaladda Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Waxaan doonayaa in aan caawa halkan kala hadlo shacabka Soomaaliyeed oo runtii walaac xooggan ka qaba xaaladaha taagan iyo mustaqbalka Dalka.

Related posts

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026

Sida aan marar badan u caddaynay, waxaan diyaar u ahayn in dalkan doorasho ka dhacdo, wakhtigeedana ku dhacdo, si nabdoonna u dhacdo. Balse nasiib darro, waxaa caqabad ku ahaa dad gaar ah iyo dowlado shisheeye oo ujeedkoodu ahaa in dalkan fawdo la geliyo, burbur iyo kala qeybsanaan dib loogu celiyo si uu u dhaco firaaq dastuuri ah.

Annagu ka dowlad ahaan, mar kasta waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruud ku xirnayn, oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17-ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo, 16-kii Febraayo 2021.

Waxaan bogaadinayaa dadaalladii nabadda ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, anigoo soo dhoweynaya baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.
Haddaba, si loo suurtageliyo qabashada doorasho ku salaysan heshiisyadaas aan xusnay, waxaan ugu horreyn ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, oo ay ka mid tahay siyaasadaynta arrimaha ciidammada, kala-qaybinta bulshada iyo burburinta hantida dadweynaha.

Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh,

Waxaa marag ma doonto ah inaad mar walba garab taagnaydeen, welina garab taagan tihiin dowladnimada Soomaaliya. Waxaad muujiseen dulqaad, bisayl iyo dal jacayl.

Waxaa markii la i doortay aad ka soo baxdeen guryihiinna si aad guushaas taariikhiga ah u garab istaagtaan, waxaad mudan tihiin in dowladdiinnu ay sii xoojiso dareenkaas waddaninnimo ee aad muujiseen.

Run ahaantii, marnaba dhici mayso in shacabka Soomaaliyeed loo horseedo burbur iyo qax hor leh. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada abaabulaya xasillooni darrada oo ay kamid yihiin siyaasiyiin shalay xilal u soo qabtay Qaranka, maantana doonaya in ay fowdo kursiga ku fuulaan inay ka waantoobaan falalkaas.

Maalmihii la soo dhaafay waxay astaan cad u ahaayeen sharka iyo kheyrka. Waxa loo qeybsamay badbaadiye iyo barakiciye. Intii aannu noqon lahayn barakiciyeyaal waxaan doorannay in aannu noqonno badbaadiyeyaal.

Danaha siyaasaddu waay dhammaanayaan, waxaase waaraya ciidda iyo calanka, ayagaana mudnaan ka leh waxyaabaha kale ee aan isku hayno. Waxaan garawsannay inaan ka hortagno hagardaamo kasta oo lagu beegsanayo xasilloonida iyo nabadda.

Shisheeye badan ayaa maskax, maal iyo muruq ku bixinaya sidii ay u minjo-xaabin lahaayeen horumarka Soomaaliya si ay uga helaan dano u gaar ah oo aan gaashaanka ku dhufannay.

Waxaannu diidnay in dhallinyaradeenna laga dhigto xaabo la shito, gacmahoodana lagu burburiyo nafta iyo hantida Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa inaysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh waxay caawa ka marag kici doonaan dadka xukunka ku raadinaya dhiigga dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa ku qanacsan in xukunka lagu la kala wareego sanaadiiqda codbixinta.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay inaan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha Shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtiga ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aaminsanayd, welina ay xal u aragtaa in waddada keliya ee furan ay tahay midda wadahadalka, is-qancinta, isu-tanaasulka iyo in lagu soo laabto miiska wadahadalka, iyada oo la dhammaystirayo heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo tala-bixintii guddiga farsamada ee Baydhabo.

Waxaan dhammaan saxiixayaasha heshiiskii 17-ka Sebteembar ugu baaqayaa in si degdeg ah la isugu yimaaddo si looga wadahadlo hirgelinta heshiiskaas iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirayn.

Ugu dambeyntii, Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay ilaaliyaan xasilloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabka birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidammada Qalabka Sida.

Wabillaahi Towfiiq

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashooyinka

Next Post

Guddoonka Golaha Shacabka oo isugu yeeray Xildhibaannada ka qeyb galka fadhi aan caadi ahayn

Next Post
Guddoonka Golaha Shacabka oo isugu yeeray Xildhibaannada ka qeyb galka fadhi aan caadi ahayn

Guddoonka Golaha Shacabka oo isugu yeeray Xildhibaannada ka qeyb galka fadhi aan caadi ahayn

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026
0

RADIO MUDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf...

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay  shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo ku eedeysan inuu ku...

Dalka Canada oo lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo 1-da Luulyo

Dalka Canada oo lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayo 1-da Luulyo

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya ee Canada iyo Mareykanka Danjire Daahir Xasan Cabdi , Wasiirro hore iyo dad caan ah ayaa magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In