Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee Golaha Shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlaamanka Wadanka aynu Walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xaamud oo maanta ka qeybgalay kulankii xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siweyn uga hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal.

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,waxana kulanka goobjoog ka ahaa 173 Mudane.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Kulanka Maanta ayaa ka duwanaa kulamadii hore,waxaana hortegay xildhibaanada isla markaana khudbad dheer u jeediyay gudoomiyaha Baarlamanka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen ilaa 173 mudane ayaa waxaa uu khudbadiisa uu diiradda ku saaray ujeedka booqashadiisa,wuxuu muujiyay in ahmiyada ay leedahay wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo taageerada ay siiso Soomaaliya Dowladda Jabuuti.

“Ujeedka socdaalkeyga waxaa uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti,waxaa inaga dhexeeya xiriir walaaltinimo oo aad u wanaagsan,Soomaaliya waxaan u sheegayaa qofkasta oo muwaadin ah waxaa waajibaad uu ka saaranyahay in uu dalkiisa wax u qabto”, ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ku ammaanay guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti imaatinkiisa Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka ka dhaxeeya labada dal gaar aahan baarlamaanada uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana uu ahaa mid soo jireen ah.

Previous Post

Sanadguurada 66-aad ee Raadiye Muqdisho,,WQ: Cabdiraxmaan (Koronto)

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhallinyaro ah oo ka jawaabay baaqaygii, una istaaga in ay nafootada u huraan dalkooda”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhallinyaro ah oo ka jawaabay baaqaygii, una istaaga in ay nafootada u huraan dalkooda”

Madaxweyne Farmaajo “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhallinyaro ah oo ka jawaabay baaqaygii, una istaaga in ay nafootada u huraan dalkooda”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In