Friday, June 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso qormo xiiso badan: Soomaaliya waxaa u baryay waa cusub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 18, 2017
in Wararka, Xulashada
0
Akhriso qormo xiiso badan: Soomaaliya waxaa u baryay waa cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

SRCCPhoto2

Waxa qoray Danjire Francisco Caetano Madeira

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025

Soomaliya waxay yeelatay Madaxweyne cusub oo si dimoqraadi ah ay u doorteen xubnaha labada aqal doorasho xor iyo xalaal ah oo ay joogeen goobjoogayaal caalami ah.

Waan u hambalyeynayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo doorashadiisa waxana u rajeynaa wanaag iyo inuu dalka gaarsiiyo mustaqbal ifaayo.

Inkastoo caqabado badan ay jireen, Soomaaliya waxay dhabar u adeegtay dhibaatoyinkas waxayna dhameystirtay doorashada baarlamaanka. Baarlamaan labo aqal ah ayaa hadda jira kasoo ka yimid natiijadii doorashoyinkii lasoo dhaafay.

Inkastoo aan sanadkan la gaarin hal qof iyo hal cod, aasaaskii arintaa waa la bilaabay Soomaaliyana hadda waxay cagta saartay waddadii lagu gaari lahaa doorasho caalami ah 2020.

Maadama aan ahay madaxa AMISOM, waxaan u hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed guusha ay gaareen. Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa hogaanka dalka ee soo gaarsiiyay halkan.

Soo gabagabeyntii guusha doorashada waxay dalka galisay waa cusub, Soomaliya ayaa waqti fara badan la daala dhaceysay xasilooni daro, colaado sokeeye, abaar soo noqnoqotay, xagjirnimo hubeysan iyo argagixiso.

Waxaan si dhow ula shaqeynayaa ciidanka Qaranka Soomaaliya si loo nabadeeyo doorashooyinka, AMISOM waxay ku faaneysaa iskaashiga iyo guusha la gaaray.

Waxay aheyd safar dhib badan laakin in la xusana mudan, kasoo bilaabmay Octoobar 2016 kuna soo dhamaaday doorashadii Madaxweynaha ee 8-da Febraayo.

Doorashada Madaxweynaha iyo xubnaha Baarlamanka waxay aheyd hal tilaabo oo horey loo qaaday safarkii dheera ee ay Soomaaliya soo gashay. Siday ay qabto maahmaah luqadeyda ah “Ma jirto si gaaban oo lagu gaari karo fiinta geed timireedka”.

 

 

 

Jirka weli waa adagyahay shaqadana waa dhib badantahay, laakin kalsoonida iyo go’aanada shacabka Soomaaliyeed iyo hogaankooda ayaa ka dhigi kara run wixii laga balan qaaday maalintii doorashada, runtiina arintaa waxay aheyd dhiiragalin weyn. Shaki iigama jiro in Soomaaliya guuleysaneyso iyo in guusha la xaqiijin karo.

Ha noqdo sanadka 2017 sanadkii Soomaaliya. Fursadaha ku dhex jira waa in hogaamiyaasha ay ugu shaqeeyan sidii loo dhisi lahaa iskaashi xoog leh oo u dhaxeeya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si loo sii horumariyo is-aqoonisga iyo is-ogolaanshaha, dib-u-heshiisiinta iyo midnimo Qaran, wada hadal dhameystiran oo looga arrinsanayo sidii loo qeybsan lahaa awoodda, kheyraadka, shaqo abuurka, shaqaaleynta Haweenka iyo Dhallinyarada, ammaanka Qaranka iyo horumarkiisa.

AMISOM waxay sii wadi doontaa diirad saarida iskaashiga shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro xasilooni iyo nabad waarta.

Ma caawin karo laakin waan sheegi karaa sida Soomaaliya usoo gaartay waqtigan. Maadama AMISOM 10 sano jirsatay sanadkan, horumarka wanaagsan waa arki karaa dhamaan dadka. Isbadalka waa cajiib marka loo eego toban sano ka hor, markii ugu horeysay oo la keeno howlgalka Midowga Afrika magaalada Muqdisho, waddooyinka magaalada waxa dhex socon jiray maleeshiyaad hubeysan kaliya ma aheyn caasimada sidoo kale magaaloyinka waaweyn. Guul baa la gaaray, iyo waxyaabo kale, sida caafimaadka, dib-u-dhiska iyo qeybaha waxbarashada.

Inkastoo shaki kala duwan jiro, dadka caadiga ah ee Soomaaliya waxay heleen faa’iidooyin waaweyn nabadda iyo xasiloonida jirta.

Maleeshiyaadka nabad diidka ah weli lama ciribtirin, laakin si aad ah ayaa loo yareeyay howlgaladoodii.

Dowladda cusub, mudnaanteena kowaad ee ugu weyn waa inaan la shaqeynaa ciidanka Qaranka sidii loo xoojin  lahaa dagaalka argagaxisada, khaasatan meelaha deeganada ay aad ugu badanyihiin, deeganadaas oo gambaad u ah argagaxisada. Waxay ka leenahay qorshe dahsoon. Waxaan la shaqeyn doonaa si dhow ciidanka Qaranka Soomaaliya mana is dhiibi doono ilaa argagaxisada la yareeyo  iyo inta lagu guuleysanayo dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagaxisada.

 

 

 

Si kastaba ha noqotee, Midowga Afrika wuxuu si qoto dheer ugu qanacsanyahay wax ku oolnimda AMISOM sidii ay noqotaba, waa dhib badantahay in la gaaro nabad iyo xasilooni waarta Soomaaliya, ilaa la helo ciidan Soomaaliyeed oo shaqeynaya. Sidaa darteed waan sii wadi doonaa inaan u doodno taagero ku haboon ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, ma ahan kuwan iyo kuwa mustaqbalka la howlgala AMISOM kaliya, ee sidoo kale waxaan caawineynaa dhisidda ciidamo awood leh mustaqbalka. Si looga miro dhaliyo taa, waxaan sii wadi doonaa ku adkeysiga baahida loo qabo isku xirnaanta, dhameystirka iyo xoojinta waxqabad ee bahwadaagta hey’adaha amniga ee Soomaliya.

Iyadoo yareynayo ciidanka AMISOM 2018, qeybta booliska AMISOM wuxuu door weyn ka ciyaarayaa xoojinta awoodda booliska dalka, asigoo qabta tababbaro la siinayo saraakiisha booliska.

Waan sii wadi doonaa la shaqeyn dhow ee maamulada dalka iyo kuwa bahwadaagta caalamiga ah si loo horumariyo hab dhameystiran oo dhanka amniga ah, dadajinta arrimaha xoojinaya sida joogitaanka iyo isku fidinta deegaanada dowladdu weli gaarin, helida hey’ado dowladeed oo waxtar leh iyo kuwa maamul, dowlad wanaag, qeybinta gargaarka beni’aadannimo iyo wixii kale ee loo baahdo.

Intaa waxaa dheer, bixinta adeeg sida adeeg caafimaadka, waxbarasho iyo dhismaha kaabayaasha ayaa noqon doona kuwa ka hortagga xagjirnimada hubeysan iyo mayal adeegnimada tasoo keeni karta argagaxisonimo.

Waxaan u rajeynaa shacabka Soomaaliyeed guul jirataanka dowladdan 2017-2020.

*Mudane Danjire Francisco Caetano Madeira waa Ergayga gaarka ah ee Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika ee Soomaliya iyo Madaxa AMISOM*

Previous Post

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni hambalyo u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya

Next Post

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA oo la dhaawacay

Next Post
MUUQAALKII MUQDISHO MEEL HA LA SAARO” Warbixin iyo Sawirro”

Taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda NISA oo la dhaawacay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In