Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO: Taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu magacaabay Taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda, Booliska iyo Asluubta, hadaba wax ka ogow taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo markale loo magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta.

Waxbarashada Madaniga

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026

Taariikhda dhanka waxbarashada ee Madaniga ah, Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu Jaamacadda heerka koowaad ka qaatay Culuumta Bulshada Taqasuska (Social Work) iyo isla heerka koowaad ee Jaamacadda oo uu ka diyaariyay Culumta Siyaasadda, sidoo kale Waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda (Master degree)  ka sameeyay Culuumta Amniga iyo Nabadgelyada (Master in Peace and Security Study) wuuxu kaloo u sharxanyaahy in uu qaato shahaadada PHD oo la xiriirta arrimaha amniga iyo xasalinta.

Waxbarashada Amniga

Haddii aan eegno dhanka Waxbarashada ciidanka wuxu wax barashadiisa sargaalnimo ku soo qatay Dalka Jarmalki Federaaliga ee Galbeed (West Germany) Isagoo Waxbarashada abaandulka ciidamada iyo dugsiga sare ee dagaalka ku soo qaatay (SCUOLA Di GUERRA) ee dalka Talyaniga, wuxuu kaloo waxbarashada Amniga, dambi-baarista iyo hogaaminta ciidamada ku soo qaatay Dalalka Faransiska, (Interpol) Sacudiga, South Africa iyo kuwa kale.

Dhanka Shaqada

Haddii aan wax yar oo kooban ka sheegno taariikhda dhanka shaqo, Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac wuxuu ka soo shaqeeyay ciidanka booliska muddo dheer Ilaa uu ka gaaray xilka Taliye ku-xigeenkaciidanka booliska Soomaaliyeed, sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Wuxu kale uu soo noqday Wasiir ku-xigenka Wasaaradda Adeega Bulshada Xukumadii 10 Wasir ka koobneed, wuxuu dhowr mar so noqday Xildhibaan ka tirsan Baarmanaanka Federaalka Soomaaliya,  waxa uu horey u soo noqday Garsoore heer Caalami ah oo Kubbada Kollayga (FIBA Referee) iyo Garossore Caalami ah ee Kubbada Cagta (FIFA Referee) Isagoo mudadaas ka soo noqday Macalin soo saaray Garsoorayaal badan oo Soomaali ah, wuxuu kaloo soo noqday xubin Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu kaloo soo noqday Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, NISA iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana uu ugu dambeyn ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee dhanka Ciidanka Xoogga dalka, waxaana maanta markale si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo ahaa shaqsigii xabsiga Dhexe ee Xamar ka hirgeliyay in maxaabiista loo qabto tartamo isboorti oo lagu dhiiri gelinayo iyo inay helaan adeegyo waxbarasho oo dhameystiran.

Sidoo kale waxa uu Xabsiga dhexe ee Xamar ka hirgeliyay Warshad sameysa agabyo kala duwan.

https://www.facebook.com/Daljir2017/videos/1538527376245365/

 

 

Previous Post

Sarkaal kasoo goostay Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Baardheere “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada

Next Post
Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada

Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay kaga sii dareen xaaladdii abaarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In