Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso:- Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Akhriso:- Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa cusub ee Magaalada Muqdisho, wuxuu dhashay 1965, wuxuuna ku dhashay magaalada Muqdisho.

Heerka Waxbarasho

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Waxabarashadiisii Hoose iyo Dhexe wuxuu ku soo qaatay Madrasadii Allahida 1980-1985, Dugsiga Sare wuxuu ku qaatay wadanka Masar, asagoo ka baxay Machadka Albictha Alazhar al sharif , Cairo, Masar. Isla wadanka Masar ayuu ka bilaabay heerka aqooneed ee Jaamacadda, wuxuuna ka qalinjabiyay Jamacadda American Open Univertity, Cairo, Masar sanad daraasadeedkii 2004-2008, asagoo ka bartay Daraasaadka Islaamiyah Wal Carabiyah, Sidookale wuxuu ka qaatay isla Al-azhar Al-shariif halsano oo Cilmiga Bulshada ah.

 Khibradiisa Shaqo

1986-1991, wuxuu ka shaqaynayay Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryaynta, asagoo ka soo qabtay jagooyinka Madaxa Xafiisyada Logistics-ka iyo Wax soo saarka. 1992-1993, wuxuu soo noqday Agaasimaha Waaxda Batroolka ee Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta. 1993-1994, wuxuu noqday Agaasimaha Xafiiska Dagmada Wadajir ee Hy’atu-Al Culyaa. 1994-1996, Wuxuu ahaa Agaasimaha Xafiiska Gargaarka ee Hay’adda Muslim World League Laanta Dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. 1995-

1997, wuxuu ahaa Xoghayaha Hay’adda Slamic Relief Association, Xafiiska Mudisho. 1996-

1998, wuxuu Aas aasay Maamulena ka noqday Xarunta Agoonta ee Albirri, Muqdisho. 2004-

2010, wuxuu wakiil u noqday Shirkada Daawada Al-mustaqbal, laanteeda Cairo, Masar. 2005-

 2008, wuxuu noqday Wakiilka Shirkadda Dahabshiil qeybta Ajaanibta ee Cairo, Wadanka Masar. 2008-2013, wuxuu qabtay xilka Gudoomiyahay Xarunta Nabadda iyo Horumarinta Bulshada ee Cairo, Wadanka Masar. 2010-2011 wuxuu noqday Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Masar. 2009-2011, wuxuu xubin ka ahaa Ururka Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Masar.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), intii uu ardayga ka ahaa Dalka Masar, wuxuu caan ku ahaa ka shaqaynta iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda, xoojinta xiriirka Jaaliyadda iyo kan dadka reer Masar, sidookale xoojinta xiriirka Safaaradda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda. Wuxuu aad uga digi jiray dhaqamada aan wanagsanayn oo ay qabyaaladdu ka mid tahay. 2011-2015, Wuxuu qabtay xilka Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbga Nabadda Horumarka (PDP).

Previous Post

In ka badan 190 wadan oo ka soo horjeesatay cunaqabateynta saaran dalka Cuba

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In