Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Taariikh nololeedkii AUN marxuumad Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Jabuuti maanta ku geeriyootay AUN marxuumad Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ka dib xanuun asiibay iyada oo ka mid ahayd wafidiga Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre ee ka qeyb galaya Madasha Aragti-Wadaag ee lagu qabanaya dalka Jabuuti.

Waayahii ay soo martay:

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Waxa ay 2 April 1964 ku dhalatay magaalada Muqdisho,  iyadoo barashada Qu’aanka ku bilawday hayaankeeda waxbarsho, waxa ay 1972 illaa 1979 Dugsiga hoose iyo dhaxe ku baratay Dugsiga Xasan Dhagey ee ku yaala magaalada Jowhar, waxayna Dugsiga Sare ilaa heer Jaamacad ku qaadatay magaalada Muqdisho.

Xirfadaha Shaqo:

1981-1982: Bare Dugsiga Dhexe ee Xasan Dhagey Burey – Jowhar – Soomaaliya

1982-1983: Xogheynta iyo Maamulka Xisaabaadka Dugsiga Sare ee Beeraha Jowhar

1983-1984: Maamulka Xarunta Xiriirinta Labada Gobol ee Hiiran iyo Shabellaha Dhexe – Buurane

1984-1990: Mashruuca Fidinta Beeraha 1990-2000: Ganacsato iyo Guri Joogto

Doorka Siyaasadeed:

Waxa ay AUN leedahay 23 Sano oo Khibrado Siyaasadeed ah iyada oo soo qabatay xilalkan:

2000-2004: Xildhibaan Dowladii Carta lagu soo Dhisay (TNG)

2004-2009: Xildhibaan Dowladii Impagathi lagu soo dhisay (TFG)

2004: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Dalyeelka Qoyska XKMG

2005-2006: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka XKMG

2006-2007: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha XKMG

2008-2009: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska XKMG

2008-2009: Siihayaha Wasiirka Wasaraadda Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Bii’ada XKMG

2009-2010: Xildhibaan Baarlamaankii lagu Biiriyey Djibouti

2009-2010: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga XKMG Dhirta iyo Daaqa XKMG

2010-2011: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga

2011 : Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Biyaha, Batroolka Macdanta iyo Tamarta XKMG

2011-2012: Guddoomiyaha Guddiga Cilmi Baarista, Tignaloojiyada, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka KMG

2012: Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya

2013: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arr. Bani’aadanimo ee Golaha Shacabka BJFS

2014: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJF

2016: Wakiilka u matalaya Soomaaliya IPU-IGAD Women CAUCUS

2017: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF

2017 – 2020: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS

2020 – 2022: Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XJFS

2022: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF

2022: Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Previous Post

Guddoonka labada gole ee BFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumad Wasiir Khadiija

Next Post

Xuska 80 sano guurada ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka booliska oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Xuska 80 sano guurada ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka booliska oo lagu qabtay Gaalkacyo

Xuska 80 sano guurada ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka booliska oo lagu qabtay Gaalkacyo

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In