Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso War Murtiyeedka Golaha Horumarinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Akhriso War Murtiyeedka Golaha Horumarinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ) ayaa  shirkiisii labaad ee sanadkan 2019-ka ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, kaas oo furmay May 5, 2019 socdayna illaa May 6, 2019.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:

  1. Geeddi-socodka Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ahmiyadaha ka soo baxay wareeggi 1-aad ee Wadatashiga QHQ 9aad
  2. Hannaanka iyo qaab-dhismeedka naqshadda deeqaha “Aid Architecture”
  3. Mashruuca ILED oo gobollda dalka ka dhaqan-geli doona dhawaan;
  4. Waajibaadka iyo qaab-dhismeedka Xafiiska la socodka Mashaariicda Midowga Yurub (NAO) ee dalka ka socda;
  5. Go’aankii Xukuumadda ee ku aaddanaa soo guuridda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn;
  6. Xaaladda roob-yarida dalka ka jirta;

Shirkan oo socday labo maalmood ayaa waxaa Gollahu bogaadiyey habsami u socodka qorista Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad, isla markaana isla qaatay saddexdii ahmiyadood ee heer qaran ee ka soo baxay wareeggii 1aad ee wadatashiga QHQ 9aad, kuwaas oo kala ah:

  1. Xoojinta siyaasadda loo dhan yahay;
  2. Horumarinta dhaqaalaha;
  3. àAmniga iyo Sarraynta sharciga

Sidoo kale wuxuu Gollahu isla qaatay lagama maarmaannimada in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka lagu maamulo deeqda dalka, si taas loo helo, wuxuu gollahu go’aansaday in shirka soo socda ee Somali Partnership Forum (SPF) la hor geeyo nuqul xambaarsan sida ay noqanqyso qaabka ama habka loo maamulidoono Deeqaha caalamiga ah (Aid Architecture) taas oo ay Goluhu soo diyaarin doonaan, soona bandhigi doonaan.

Waxaa sidoo kale Goluhu isku raacay:

  1. In shirka kan xiga ee Golaha Horumarinta Qaranka lagu qabto caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamarreeb,
  2. In shirarka Somali Development and Reconstruction Facility (SDRF), laga dhigo wareegto lagu qabanayo caasimadaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah,
  3. In Shirka soo socda ee SDRF ka lagu qabto Caasimadda Dawladda Puntland ee Garowe.
  4. In la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo soo raridda hayâdaha NGO yada, lana hubiyo dhaqan-galinta go’aankii Xukuumadda Federaalka ah ee 4-tii Oktoobar 2018.

Ugu dambayn Goluhu wuxuu walaac weyn ka muujiyey roob-yarida sanadkan Gu’ga iyo abaaraha dalka ka jira, sidaas awgeed wuxuu baaq u dirayaa hay’adaha iyo saaxiibada caalamku inayt deg-deg gacan uga geystaan xaaladaha abaareed ee dalka ka taagaan.

—DHAMAAD—

 

 

Previous Post

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn uu ku dilay Maleeshiyaad Al-Shabaab ah

Next Post

Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee Tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee Tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee Tartanka "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In