Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso War murtiyeedka laga soo saaray Shirka kaalinta Dhallinyarada ee Nabadda iyo is-dhexgelka Bulshada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Akhriso War murtiyeedka laga soo saaray Shirka kaalinta Dhallinyarada ee Nabadda iyo is-dhexgelka Bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweynahan guud ee dhallinyarada Gobolka Banadir, ahna shirweynihii koowad kaas oo soconayay muddo labo maalmood ah. islamarkaana ay ka soo qayb galeen guud ahaan dhallinyarada 17 Degmo ee Gobolka banaadir, ururrada dhallinyarada madaxbannaan, dhallinyarada Jaamacadaha, qaar ka mid ah dhallinyarada qurbo-joogta ah, dhallinyarada maamul goboleedyada iyo Naadiyada aqriska qoraalka. sannadkan kowaad waxaa diiradda lagu saaray doorka dhallinyaradu ku leeyihiin nabadda iyo is-dhexgelka Bulshada.

 

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ujedada Shirka

Ujeedada shirkani waxay ahayd madal ay fikradahooda iyo aragtiyadahooda ku soo bandhigayeen dhallinyarada Gobolka Banaadir. Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen.

➢ In Dhallinyarada Gobolka Banaadir ay helaan fursad ay aragtiyadooda ku soo bandhigaan.

➢ In la xoojiyo Is-dhexgelka dhallinyarada Gobolka Banaadir.

➢ Muujinta doorka dhallinyarada ee nabada iyo is-dhexgelka Bulshada.

➢ In la dhagaysto argtida guud ee dhallinyarda ee nabadda iyo is-dhexgelka.

➢ Wacyigelinta dhallinyarada ee dhanka xad-gudubyada.

➢ Dhiirrigelinta dhallinyarada ee ka qayb qadashada nabadada.

➢ In ay helaan waxbarasho aasaasi ah barakacayaasha ku dhaqan gobolka Banaadir.

➢ Caqabadaha waxbarasho la,anta ee gabdhaha.

 

➢ Ka ilaalinta dhallinyarada man dooriyaha iyo wacyigelinta saameenta maan –dooriyaha.

➢ La shaqaynta laamaha amniga iyo Degmooyinka

Gunaanad

Baaqa nabada iyo is-dhexgelka Bulshada

Dhallinyarada Gobolka banaadir iyo dhammaan ka soo qayb galayasha shirka nabadda iyo is-dhexgalka Bulshadu waxay baaq nabadeed u dirayaan deegaannada ay ka soo cusbonaadeen dagaalada sokeeye. Waxayna maamullada iyo dowladda dhexe ugu baaaqayaan inaan la ogolaan inuu sii taato dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhallinyarada Gobolka banaadir waxay hambalayo u dirayaan madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka oo maanta saxiixay sharciga hay’adda naafada Qaranka.

Dhallinyarada Gobolka Banaadir waxay sidookale u mahadcelinayaan guud ahaan madaxada Qaaranka. Gaar ahaan maamulka Gobolka Bnaadir sida wacan ee ay dhallinyarada somaaliyeed u garab taagan yihiin iyo doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaaten taabba gelinta shirweynaha doorka dhallinyarda ee nabada iyo is-dhexgelka Bulshada.

Ugu dambayn dhallinyarada Gobolka Banaadir waxay cadaynayaan inay diyaar u yihiin ka shaqaynta amniga iyo is-dhexgelka Bulshada.

Previous Post

Akhriso: Liiska magacyada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland

Next Post

Gunaanadka Al-Shabaab iyo gumaadkii loo geystay 2018

Next Post
Gunaanadka Al-Shabaab iyo gumaadkii loo geystay 2018

Gunaanadka Al-Shabaab iyo gumaadkii loo geystay 2018

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In