Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF iyo Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Akhriso: War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF iyo Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),waxay qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka.

Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa lagu martiqaaday kana soo qayb-galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka, wakiilo kasocda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Raโ€™isul Wasaaraha, ururada bulshada raydka, haweenka, dadka baahida gaarka ah qaba, dhalinyarada, xisbiyada siyaasadeed ee abuurmaya iyo culumaa’udiinka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn doono.

War-murtiyeedka:

KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hayโ€™adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Wasaaradda Boostada & Teknolojiyada oo Shacabka uga digtay Virus cusub

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In