Soomaaliya waxaa si hab sami leh uga socda doorashooyin Qaran, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Dalka, iyadoo ay kumanaan Qof uga qayb qaadanayaan qaabab kala duwan.
Doorashooyinka oo noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ay cod ku leeyihiin kumanaan Shacab Soomaaliyeed ah tan iyo 1969-kii, waxa ay abuurayaan mustaqbal cusub oo ay yeelanayso Soomaaliya oo muddo Rubac Qarni ah ku jirtay dagaalo kala duwan.
Inkasta oo Shacabka Soomaaliyeed ay u tahay rajo wayn oo u iftiiminaysa Nolol cusub oo ah in ay soo xirayaan Taariikhdii Madoobayd ee colaadaha, hadana waxaa jira kooxo ay u tahay War aan wanaagsanayn maadaama ay u arkaan in ay soo xirayso Irdihii Sharta ee ay ku hoos noolaayeen.
Kooxda Koowaad ee Qabsoomida Doorashadaan ay u tahay dhamaadka jiritaankooda waa Argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo abuurmitaankoodaba ay sabab u ahayd kala danbayn-la’aantii Soomaaliya oo ka dhigtay Dalka meel ay usoo shaqo tagaan Colaad ku noolayaasha.
Dareenka ay Horjoogayaasha Kooxahaan ku beerikarto Doorashada Soomaaliya, waxaa ugu horeeya in Dawladda Dhalandoonta oo la saadaalinayo in ay Sharci ahaan iyo Awood ahaanba aad uga sarayso xaaladaha aan ku suganahay hadda, taas oo hubaal awood u yeelandoonta in ay udiido Dalka in ay kusii noolaadaan Danbiilayaashaan, isla markaana ay heli doonto Wadiiqooyin ka hormarsan qaabka Dagaal ee looga soo horjeedo Kooxahaan.
Arrimaha kale ee walwalka wayn ku haya madaxyawaynta Argagixisada waxaa ka mid ah in ay meesha ka bixidoonto kala qaybsanaantii ka jirty Dalka, taas oo ahayd mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee saacidayay Kooxahaan oo markasta u arkayay in kala dhantaal-laanta Siyaasadeed ee Soomaaliya y u tahay fursad ay uga faaiidaystaan Midnimo-la’aantaas jirtay, balse hadda oo si lagu midaysanyahay ay Doorashadu uga qaybsoomayso dhamaan Dawlad-gobaleedyada Xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka ah taas oo ka dhigaysa Dawladda Dhalanaysa mid ku timid rabitaanka Dalka oo dhan awoodana in ay rabitaankaas uga faaiidaysato in Dalka oo dhan ay si siman uga shaqayso halkaasna waxaa ka baxaya Fursaddii ay ku kaluumaysanayeen Dab ku naaxaayaashu.
Haddii aan dhinac kale ka istaagno waxa ay Doorashadaani uga dhigantahay Shabaab iyo Daacish, Horjooyaashu waxa ay u arkaan in qabsoomida Doorashadaani ay u tahay tijaabo ku saabsan awoodda ay ku leeyihiin Soomaaliya, iyagoo rumaysan in haddii ay Soomaliya qabsato doorasho ka dhacaysa goobo kala duwan kana qaybgalayaal kumanaan Shacab ah in taasi muujinayso in Kooxahaani aanay awood ku lahayn Soomaaliya, taas oo keenidoonta in saamayntooda Gudaha iyo dibadab ay noqondoonto mid aan lagu xisaabtamin.
Waxeey Maskaxda ku hayaan Kooxahaan in sidoo kale Doorashooyinkaan natiijadoodu ay fursado badan u abuuridoonto Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay Kooxahaani uga faa’iidaystaan Duruufaha Nololeed ee haysta sida Shaqo la’aanta, waxbarasho la’aanta iyo wixii la mid ah, taas oo ku qasabtay dhalinyaro badan oo aan Caqiido ahaan aaminsanayn ficilada Kooxahaan ay ugu biiraan dano nololeed, balse hadda helidoona baddal ka wanaagsan, waana talaabo kale oo kuwa gabaadka ka dhiganaya Dhiiga Dalinyaradaas soo taagidoonta meel cidlo ah.
Horjoogayaasha Argagixisada oo iyagoo maanka ku haya waxyaabaha aan soo sheegnay iyo kuwo kale isku dayay in ay dajiyaan Qorsheyaal ay ku hor istagayaan suurtagelinta Doorashooyinka Qaran, ayaa u muuqda in ay ku hungoobeen isku dayayooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in ay soo qaadaan weeraro kala duwan iyo in ay diraan fariimo ay ku cabsigelinayaan bulshada, hase ahaatee arrimahaas oo dhan kama leexin Jidka Doorashada Dawladda iyo Bulshada midna.
Calaamadaha Muujinaya in aanay ushaqaynin Istaraatiijiyadoodu sidii ay u dajiyeen waxaa ugu horaysa in qayb ahaan ayba qabsoontay Doorashada oo lasoo doortay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, sidoo kale waxaa meel gabangabo ah maraya xeraynta Ergada Dooranaysa Baarlamaanka Aqalka hoose, iyadoo sidoo kale ay Boqolaalka Musharax ee u taagan xilalka loo tartamayo ay si dardar leh uga wataan Ol-olahooda Magaalooyinka oo dhan si aan cabsi lahayn, tusaalaha kale ayaa ah in dhamaan Goobaha loo asteeyay Doorashooyinku ay ku jiraan Jawi saamaxaya qabashada Doorashooyinka kaas oo aanay ka jirin saamaynta Kooxahaan ay ku carqaladaynkaraan Doorashooyinka.
Ugu danbaynta, Maalmo yar ayaa ka harsan marka lagu kala baxayo sheekada taas oo ah Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya oo ay ka dhimantahay muddo bil ah waqtiga loo asteeyay halkaas oo ay ku dhamaandoonto isku dayada ugu danbeeya ee Kooxda oo haddii xaaladdu ku dhamaato sida ay u socoto ay wajihidoonaan Dhagarwadayaashu Maalmo ka duwan kuwa Maanta.
W/Q:-C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala