Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 25, 2024
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Jubbaland ay u jebiyeen Khawaarijta Al-Shabaab ee soo weerarey degaannada Buulo-Xaaji iyo Harboolle, isagoo tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Related posts

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

May 24, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

May 24, 2025

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Sheikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani Kulankaasi ayaa looga wadahadley xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Shirkan ayaa hal ku dhiggiisa ahaa “Jiheynta Awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed” si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee, caalimkii weynaa ee diinta Islaamka Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daauud (Cismaan Xiddig) oo ku geeriyooday Muqdisho.

6-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen argagixisada soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboolle ee Jubbaland.

7-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Barnaamijka Xasilinta ee heer wasiir.

8-Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Mudane Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdi uu hoggaaminayo.

9-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho dhiriigelin ah ku tagey xerada Guutada Birjeex ee Daraawiishta Jubbaland oo dhowaan jab xooggan u geystay argagixisada Al Shabaab.

10-Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Waxaa kale oo Golaha uu kulankiisa ku ansixiyay qaraarka mamnuucidda ka ganacsiga hubka iyo saanadda ciidanka. ee loo yaqaan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

11-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar oo magaalada Acrra ee dalka Ghana kaga qaybgalay shirweynaha 6-aad ee bartamaha sanadka ee isu duwidda hawlaha qorshaysan ee horyaalla guddiyada kala duwan ee Midowga Afrika iyo sidoo kale Kalfadhiga 45-aad ee Guddiga Fulinta ee Ururka Midowga Afrika.

12-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim kulan la yeeshay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa Saeed. Kulanka waxaa looga hadley xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradda iyo Hay’adda UNICEF.

13-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda IOM oo Muqdisho ku soo dhoweeyay 7 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya.

14-Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley shirka 27-aad ee Guddiga Keymaha iyo Toddobaadka Keymaha Adduunka.

15-Guddoomiyaha Baarlamanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Mudane Joseph NTAKIRUTIMANA oo booqasho ku jooga Muqdisho ayaa khudbad ka jeediyay kulan gaar ah oo uu yeeshay Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

16-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray shir hawleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka.

17-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Qatar martigelinta shirka qurbajoogta Soomaalida oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dooxa.

18-In ka badan 130 horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu laayey deegaanadda Buulo-Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee Gobalka Jubbadda Hoose. Hawlgalkan waxaa iska kaashadey Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubaland.

19-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo milateri ka fuliyay degaannada Ruunirgood iyo Mesagawaa oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo Khawaarijtu lagu gaarsiiyeey khasaaro dhimasho ah.

20-Ciidamadda Xogga Dalka iyo Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hawgalo milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabaab ka fuliyay deegaanka Jameecadda ee gobolka Bay.

21-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen oo xarigga ka jarey mashaariic horumarineed oo laga fuliyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

22-Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya oo magaalada Kismaayo ka furtey shir lagu mideynayo shatiyada ganacsiga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

23-Shirka Diyaarinta Qorshaha Dib u Heshiisiinta Qaran ee shanta sanno ee soo socota oo magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay.

24-Horjooge Cabdi Maxamed Caraaye oo muddo 14 sanno xubin ka ahaa Khawaarijta Al Shabab, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.



Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo saxiixay Buugga Tacsida AUN Marxuum Sheekh Cismaan Xidig

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dardaaran iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidanka XDS ee ku sugan jiiddaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA DHEXE) Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar, ayaa dardaaran adag u jeediyay ciidamo ka tirsan Gor Gor Xoogga Dalka Soomaaliyeed...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISO(ADDIS ABABA): Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir heer gobol ah oo looga hadlayay...

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaaniya

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaaniya

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DAARUSALAAM): Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi Xildhibaano ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In