Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Akhriso: Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 – 27 Agoosto 2023.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray seddax qodob oo kala ah:

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

1 – Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

2 – Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.

3 – Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Bogaadin: Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u dambeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

• QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY: Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:

• HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA• Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.

• Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda Qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey’addaha dalka.

• Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.

• Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.

• XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA▪ Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda.

• U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA▪ Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).

Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa’iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada.

• DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO• Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.

• Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.

• QODOBBO KALE▪ Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

▪ Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.

▪ Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.

▪ Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool.

• MAHADCELIN▪ Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

Previous Post

Guddiga Arrimaha Dibadda Labada Gole ee BJFS oo kulan wada jir ah yeeehay “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka “SAWIRRO”

Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka "SAWIRRO"

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In