Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Akhriso: Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 – 27 Agoosto 2023.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray seddax qodob oo kala ah:

Related posts

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026

1 – Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

2 – Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.

3 – Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Bogaadin: Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u dambeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

• QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY: Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:

• HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA• Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.

• Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda Qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey’addaha dalka.

• Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.

• Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.

• XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA▪ Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda.

• U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA▪ Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).

Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa’iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada.

• DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO• Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.

• Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.

• QODOBBO KALE▪ Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

▪ Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.

▪ Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.

▪ Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool.

• MAHADCELIN▪ Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

Previous Post

Guddiga Arrimaha Dibadda Labada Gole ee BJFS oo kulan wada jir ah yeeehay “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka “SAWIRRO”

Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka "SAWIRRO"

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In