Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-Shabaab waa u caado inay ku qubeystaan dhiigga shacabka sida biyaha oo kale

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Al-Shabaab waa u caado inay ku qubeystaan dhiigga shacabka sida biyaha oo kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Argagixisada Al-Shabaab ayaa ku faanay falkii ay shalay ka geysteen Muqdisho, kaasi oo ahaa qaraxyo ay u adeegsadeen gawaari oo ay la bartilmaameedsadeen shacab aan waxba galabsan.

 

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Qaraxyada ayaa dhacay xilli waddada KM4 ay ahayd mid saxmad ah oo dadka iyo gaadiidka dadweynuhu isaga kala gooshayeen, kuwaas oo u socdaalayay xaafadahooda maadaama ay ahayd casir liiq.

Gaarigaan wuxuu waday Shacab Masaakiin ah oo guryahooda u hoyaadayay laakiin Al-Shabaab ayaa Qarax ku baabibiyay oo dhiigooda dhulka ku qubay.
Gaarigaan wuxuu waday Shacab Masaakiin ah oo guryahooda u hoyaadayay laakiin Al-Shabaab ayaa Qarax ku baabibiyay oo dhiigooda dhulka ku qubay.

Sawirka gaariga idin muuqdo waa gaadiidka nuuca dadweynaha waxaa haleelay mid ka mid ah qaraxyadii ay shalay Muqdisho ka geysteen argagixisada Al-Shabaab, waxaana uu sababay dhimashada iyo dhaawac dad saarnaa gaarigan, kuwaasi oo isugu jiray carruur,  haween iyo rag, oo qaarkood ka yimid maalin joog oo ay eheladooda la soo qaadanayeen halka kuwa kale ay ahaayeen kuwa shaqooyinka ka soo laabtay oo u socday guryahooda.

Dhiigaan sida daadka oo kale u qubanaya waa dhiiga Shacabka oo ay xasuuqeen Al-Shabaab, xili Alle uu xaaraantinimeeyay daadinta dhiiga Muslimiinta
Dhiigaan sida daadka oo kale u qubanaya waa dhiiga Shacabka oo ay xasuuqeen Al-Shabaab, xili Alle uu xaaraantinimeeyay daadinta dhiiga Muslimiinta

Inta la ogyahay 20 qof oo aan waxba galabsan ayay waddada ku xasuuqeen halka kuwa kalena ay ku dhaawaceen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana muuqaalka sawirkan muujinayaa in waddada ay mar qura noqotay dhiig sida biyaha oo kale u qulqulaya, taasi oo ah ujeedka argagixisada inay biyo ahaan ugu qumeystaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Waxay doonayeen inay shacab maato ah mid mid u toogtaan laakiin ciidanka amaanka ayaa dhagta dhiiga u daray
Waxay doonayeen inay shacab maato ah mid mid u toogtaan laakiin ciidanka amaanka ayaa dhagta dhiiga u daray

Sawirka idin muuqdo waa shan ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ciidamada ammaanku ku toogteen banaanka kore ee Hote Saxafi, kuwaasi oo doonayay inay gudaha u galaan Hotelka, halka mid ka lixaad uu isku qarxiyay ilinka hore barkoontarool oo halkaasi ku tiilay, waxaana wadarta dhagar qabayaasha weerarka soo qaaday ay ahayeen lix ruux marka laga reebo labo kale ee isku qarxisay gawaarida lala eegtay goob dadku ay gaadiidka ka raacaan.

Argagixisada waxay sahay u soo qaadatay inay waqti sii noolaadan si ay u laayaan Shacab ka sii badan inta ay dileen, laakiin ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay u jeedkooda
Argagixisada waxay sahay u soo qaadatay inay waqti sii noolaadan si ay u laayaan Shacab ka sii badan inta ay dileen, laakiin ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay u jeedkooda

Meydkan waxa uu ahaa dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab oo watay sahay buskut iyo waxyaabo kale, isaga oo ujeedkiisu ahaa daadinta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, balse taasi waxaa gaashaanka u daruuray oo durbadiiba ka hor tegay ciidamada Ammaanka oo dhagar qabahan ku toogtay banaanka hore ee Hotel Saxafi.

W/D Maxamed Macalin Xasan

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle oo kormeeray garoonka diyaaradaha ee Beledweyne “Dhageyso+sawirro”

Next Post

Joint statement of the Bahr Dar meeting between the leader of Ethiopia, Somalia and Eritrea  

Next Post
Joint statement of the Bahr Dar meeting between the leader of Ethiopia, Somalia and Eritrea  

Joint statement of the Bahr Dar meeting between the leader of Ethiopia, Somalia and Eritrea  

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In