Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-Shabaab waa u caado inay ku qubeystaan dhiigga shacabka sida biyaha oo kale

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Al-Shabaab waa u caado inay ku qubeystaan dhiigga shacabka sida biyaha oo kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Argagixisada Al-Shabaab ayaa ku faanay falkii ay shalay ka geysteen Muqdisho, kaasi oo ahaa qaraxyo ay u adeegsadeen gawaari oo ay la bartilmaameedsadeen shacab aan waxba galabsan.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026

Qaraxyada ayaa dhacay xilli waddada KM4 ay ahayd mid saxmad ah oo dadka iyo gaadiidka dadweynuhu isaga kala gooshayeen, kuwaas oo u socdaalayay xaafadahooda maadaama ay ahayd casir liiq.

Gaarigaan wuxuu waday Shacab Masaakiin ah oo guryahooda u hoyaadayay laakiin Al-Shabaab ayaa Qarax ku baabibiyay oo dhiigooda dhulka ku qubay.
Gaarigaan wuxuu waday Shacab Masaakiin ah oo guryahooda u hoyaadayay laakiin Al-Shabaab ayaa Qarax ku baabibiyay oo dhiigooda dhulka ku qubay.

Sawirka gaariga idin muuqdo waa gaadiidka nuuca dadweynaha waxaa haleelay mid ka mid ah qaraxyadii ay shalay Muqdisho ka geysteen argagixisada Al-Shabaab, waxaana uu sababay dhimashada iyo dhaawac dad saarnaa gaarigan, kuwaasi oo isugu jiray carruur,  haween iyo rag, oo qaarkood ka yimid maalin joog oo ay eheladooda la soo qaadanayeen halka kuwa kale ay ahaayeen kuwa shaqooyinka ka soo laabtay oo u socday guryahooda.

Dhiigaan sida daadka oo kale u qubanaya waa dhiiga Shacabka oo ay xasuuqeen Al-Shabaab, xili Alle uu xaaraantinimeeyay daadinta dhiiga Muslimiinta
Dhiigaan sida daadka oo kale u qubanaya waa dhiiga Shacabka oo ay xasuuqeen Al-Shabaab, xili Alle uu xaaraantinimeeyay daadinta dhiiga Muslimiinta

Inta la ogyahay 20 qof oo aan waxba galabsan ayay waddada ku xasuuqeen halka kuwa kalena ay ku dhaawaceen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana muuqaalka sawirkan muujinayaa in waddada ay mar qura noqotay dhiig sida biyaha oo kale u qulqulaya, taasi oo ah ujeedka argagixisada inay biyo ahaan ugu qumeystaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Waxay doonayeen inay shacab maato ah mid mid u toogtaan laakiin ciidanka amaanka ayaa dhagta dhiiga u daray
Waxay doonayeen inay shacab maato ah mid mid u toogtaan laakiin ciidanka amaanka ayaa dhagta dhiiga u daray

Sawirka idin muuqdo waa shan ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ciidamada ammaanku ku toogteen banaanka kore ee Hote Saxafi, kuwaasi oo doonayay inay gudaha u galaan Hotelka, halka mid ka lixaad uu isku qarxiyay ilinka hore barkoontarool oo halkaasi ku tiilay, waxaana wadarta dhagar qabayaasha weerarka soo qaaday ay ahayeen lix ruux marka laga reebo labo kale ee isku qarxisay gawaarida lala eegtay goob dadku ay gaadiidka ka raacaan.

Argagixisada waxay sahay u soo qaadatay inay waqti sii noolaadan si ay u laayaan Shacab ka sii badan inta ay dileen, laakiin ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay u jeedkooda
Argagixisada waxay sahay u soo qaadatay inay waqti sii noolaadan si ay u laayaan Shacab ka sii badan inta ay dileen, laakiin ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay u jeedkooda

Meydkan waxa uu ahaa dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab oo watay sahay buskut iyo waxyaabo kale, isaga oo ujeedkiisu ahaa daadinta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, balse taasi waxaa gaashaanka u daruuray oo durbadiiba ka hor tegay ciidamada Ammaanka oo dhagar qabahan ku toogtay banaanka hore ee Hotel Saxafi.

W/D Maxamed Macalin Xasan

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle oo kormeeray garoonka diyaaradaha ee Beledweyne “Dhageyso+sawirro”

Next Post

Joint statement of the Bahr Dar meeting between the leader of Ethiopia, Somalia and Eritrea  

Next Post
Joint statement of the Bahr Dar meeting between the leader of Ethiopia, Somalia and Eritrea  

Joint statement of the Bahr Dar meeting between the leader of Ethiopia, Somalia and Eritrea  

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad...

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Alle ha u naxariistee, maanta ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay meydka marxuum Wariye Maxamed Aweys...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In