Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC ee magaalada Hague.
Kooxdaan khuburada ah oo ka kooban kuwo dhanka sharciga ah oo ay gacan siinayaan khubaro caalami ah, waxaa kale oo ku jiri doona dacwooyinka ay gudbinayaan duqeynta Israa’iil “iyo gebi ahaanba burburinta” xafiiska Aljazeera ee Gaza.
Maamulka shabakada Aljazeera waxay wacad ku martay inay raaceyso waddo kasta oo lagu heli karo caddaaladda Shireen, lana hubiyo in kuwii ka dambeeyay dilkeeda la horkeeno caddaaladda oo lagula xisaabtamo dambiyadooda.
Dilka Abu Akleh ayaa dhacay 11-kii May ,kadib kolkii ciidamada Israa’iil ay ku toogteen meel u dhow xerada qaxootiga ee Jenin ee dhacda Daanta Galbeed ee marinka la heysto.