Wakiilka midowga afrika ee soomaaliya Francisco Madeira ayaa la kulmay madaxa howlgalka tababarka ciidanka midowga Yurub ee soomaaliya jeneraal Fabiano Zinzone.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Amisom ee xalane ayaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada ay midowga Yurub siiyaan howlgalka iyo wada shaqeynta dhinacyada ka dhaxeysa taas oo ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa amaanka iyo xasiloonida soomaaliya
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Amisom Diomede Ndegeya.
Midowga Yurub waxay gacan weyn ka geystaan tababarka ciidanka soomaaliya iyo kuwa Amisom .