Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku wareejisay Saldhigga Degmada Warsheekh

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
AMISOM oo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku wareejisay Saldhigga Degmada Warsheekh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Isniintii Todobaadkan kala wareegay howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, Saldhig ku yaalla Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Shantii Sana ee lasoo dhaafay.

Taliye ku xigeenka howl-gallada iyo qorsheynta AMISOM, Janaraal; James Nakibus Lakara, oo ka hadlayay munaasabaddii ay Boliiska Soomaaliyeed kula wareegayeen Saldhigga ayaa sheegay in ay midowga Afrika taabba gelinayaan qorshaha kala guurka ee ay Ciidamada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga Dalka marka ay iyagu baxaan 2021-ka.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Mr; Nakibus Lakara, ayaa sheegay in ay AMISOM horay u banneysay fariisimo ay ka mid yihiin, Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, Mogadishu Stadium, Kulliyadda Ciidamada ee Jaalle Siyaad, Via Afmadoow Kismaayo, haatanna ay wareejinayaan Saldhigga Boliiska Warsheekh.

Janaraal; James Nakibus Lakara, ayaa Ciidanka Burundi ee ka howl aagga Warsheekh ku ammaanay sida ay amniga u sugeen, isla markaana u kasbadeen Bulshada halkaasi ku dhaqan, wuxuuna Ciidanka nabad gelyada Soomaaliya ee shaqada kala wareegay kula dar-daarmay in ay muujiyaan karti iyo feejignaan dheeri ah.

Wasiir ku-xigeenka amniga gudaha ee Soomaaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa yididiilo ka muujiyay halka ay ku socoto nabadda Soomaaliya, wuxuu si aad ah ugu mahad celiyay doorka ay AMISOM ka ciyaartay in Dalka lagu soo dabbaalo nabad iyo xasillooni.

“Waa iska cadahay in qorshaha kala-guurka aannu si buuxda u wajahayno, waxaana halkaan u joognaa inaan ka marqaati kacno taas,ammaanka  Degmada Warsheekh hadda wixii ka dambeeya waxaa mas’uul ka noqon doona Ciidanka Booliska Soomaaliya,”ayuu yiri Wasiir C/naasir.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle, Xasan Dhicisoo Xasan, ayaa sidoo kale AMISOM kaga mahad celiyay muddadii ay Warsheekh ku sugnaayeen sidii ay kaga qeyb qaateen ammaanka iyo shaqada naf hurnimada leh ee ay ka hayeen Soomaaliya.

Degmada Warsheekh oo 70 Km dhanka Waqooyi ka xigta Muqdisho ayaa tan iyo 2014-kii waxaa ku sugnaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM , iyagoo Ciidanka haatan kala wareegay ammaanka Degmadaasina dhowaan ku soo tababaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle, kuwaas oo la doonayo in ay sugaan nabad gelyada 50 Tuulo oo hoos timmaadda Warsheekh.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo dhagax dhigtay Xarunta degmada Raaga-ceelle.

Next Post

Wafdi heer sare ah kana socda QM iyo Bankiga Adduunka oo kusoo wajahan Muqdisho

Next Post
Wafdi heer sare ah kana socda QM iyo Bankiga Adduunka oo kusoo wajahan Muqdisho

Wafdi heer sare ah kana socda QM iyo Bankiga Adduunka oo kusoo wajahan Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In