Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo haweenka Somaaliyeed u samaysay wacyigalin ku aadan hannaanka dib u eegista dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
AMISOM oo haweenka Somaaliyeed u samaysay wacyigalin ku aadan hannaanka dib u eegista dastuurka

Participants attend an awareness event on the Constitutional Review Process organised by the Protection, Human Rights and Gender Unit of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). The event took place in Mogadishu, Somalia on 13 May 2019. AMISOM Photo / Omar Abdisalan

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ilaa 25 dumar ah oo laga soo kala xulay guud ahaan ururada bulshada rayidka ah ee dalka ayaa lagu wacyigaliyay sidii ay door muuqda ugu lahaan lahayeen hannaanka dib u eegista Dastuurka ee ka socda dalka.

 

Related posts

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026

Haweenkan ayaa waxaa ay iskugu jireen kuwo matalayay ururada kala duwan ee dhalinyarada, haweenka ciyaaraha iyo saxaafadda

Ms Mane Ahmed, u qaabilsanaha AMISOM ee arrimaha jinsiga oo ka hadashay madasha isdhaxgalka lagu samaynayay ee ay  soo qabanqaabisay laanta AMISOM u qaabilsan badbaadada,  xuquuqda aadanaha iyo Jinsiga ayaa hoosta ka xariiqday muhiimada ay leedahay in la fahmo kaalinta haweenka ee wax ku kordhinta dastuurka

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in ay nala joogto wasaaraddi arrimaha dastuurka si aan u eegno sida ay ururada bulshada kaalin ugu lahaan karaan dib eegista dastuurka. Waa muhim inaan maqalno codadkooda, caqabadhooda iyo argtidooda ku aadan kaalinta jinsiga ee dastuurka”ayay tiri  Mane.

Ayada oo intaasi raacisay “Haweenka Somaalida waxaa ay aad ugu humuun qabaan ka qeybqaadashada hanaanka dib u eegista dastuurka si ay u xaqiijiyaan in si buuxda loo matalo si gaar ah markii la eego hanaanka siyaasadda ayna suuragal u noqoto matalaada boqolkiiba 50ka ah.”

Kafiya Cabdullahi oo ah lataliyaha arimaha jinisga ee wasaaradda Arrimaha dastuurka ee Somaaliya ayaa ka soo qeybgalayaasha ku wargalisay halka uu marayo hanaanka dib loogu eegayo dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka ee la qoray sanadii 2012ki

Dowlada fadaraalka ah ee somaaliya ayaa daahfurtay dib u eegista dastuurka  bishii may ee sanadka 2018 ayada oo la filayay in dhamaadka sanadkaasi ay somaaliya yeelan doonto dastuur cusub si loogu gogol xaadho doorsho hal qof iyo hal cod ah oo dhacda sanadka 2020ka

Kafiya ayaa Gabagabadii ku tilmaantay kulanka mid dhiirigalin leh islamarkaana aad muhiim ah

“Waxaan kawada hadalnay doorka haweenka ee ay tahay in ay ciyaaraan si ay wax ugu biiriyaan ayaga oo gudanaya waajibaadkooda.”

Ilhaan Maxamaed Xassan oo ka tirsan midowga haweenka aqoonyahanada ah ee Somaaliyeed (Somali Professional Women’s Union)  ayaa ku dhiirigalisay in haweenku ay bartaaan qodobada dastuuriga ah ee khuseeya arrimaha haweenka

“waxaan u ololeynaynaa in (dastuurka) lagu daro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30ka ah, ka badbaadinta (haweenka) ee xadgudubka ku salaysan jinsiga, xaquuqda aan u leenahay in aan qeyb ka noqono sadexda laamood ee dowladda” ayay tiri Ilhaan

Mudadii Kulanka ayay ka soo qeybgalayaashu ku baaqeen in la helo hanaan loo dhan yahay oo tixgalin gaar ah siinaya matalaada dumarka. Haweenka ayaa sidoo kale ku baaqay in la helo sinaan hanaanka siyaasadeed ah iyo in la siiyo fursado.

Sahra Cabdi Xaaji oo madax ka ah hay’ad maxali ah oo lagu magacaabo Somali youth United (Midowga dhalinyaradda Somaaliyeed) ayaa ku baqaaday in dumarka iyo dhalinyaradda ay ka helaan baarlamaanka ka qeybgal siyaasadeed oo dheelitiran

“Ha siinina boqolkiiba toban dhalinyardda iyo boqolkiiba sodon haweenka ah, waxaan baarlamaanka ka rabnaa kuraas kabadan intaas sababtoo ah waxaan matalnaa intabadan bulshada” ayay sahra xustay.

—DHAMAAD–

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Afur u Sameeyay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Dhuusamareeb oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Dhuusamareeb oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Dhuusamareeb oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka "SAWIRRO"

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In