Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Ciidanka Nabadgelyada Midowga Afrika ee AMISOM Col Njuguna oo wareysi gaar ah siiyay Radio Mqudisho ayaa ka hadlay weerarkii maanta lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidka AMISOM oo lagu weeraray gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ayaa yiri: “Maanta Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou waxa uu soo saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlayo weerarkii maanta lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM, kaasi oo uu ku tilmaamay in uu ahaa Weerar fuleynimo ah,

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Ciidanka AMISOM waa ay iska caabiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday,  laakiin saddex ayaa naga geeriyootay saddex kalena dhaawac fudud ayaa ka soo gaartay weerarka oo ka dhacay inta u dhexeysa Lego iyo Balidoogle.

Weerarka waxa uu qeybka yahay mid kooxaha dhagar qabayaashu ay kaga soo horjeedaan dadaallada ku aadan nabad ku soo dabaalidda Soomaliya ee ay wadaan ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxa ay sidoo kale isku dayayaan in ay rabashaan dadaalladaasi, waxa falkaasi sameynayana waa cadowga Shabaka Soomaaliyeed,

AMISOM waxa ay dhiigooda u hurayaan Walaalahood Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay siiwadaan dadaalka ku aadan Nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, waxaaana uu intaa ku daray in uu murugada la qeybsanayo qoysaska ay askartooda kaga geeriyoodeen weerarkii maanta ee noloshooda ku waayay, waxaana uu kuwa dhaawac ah u rajeeyay inay bogsadaan, ayna dib ugu soo laaban doonaan howlaha ay ka hayaan Soomaaliya,, taasi waxa ay ahayd jawaabtii ama war-saxaafadeed ay AMISOM ka soo saartay weerarkii maanta.

Afhayeenka mar la waydiiyay su’aal ahayd sidee ku xoojinaysaan amniga meelaha ay marayaan kolonyada gaadiidka AMISOM, maxayse tahay talaabada idinkaga aadan sugidda amniga si dadka iyo ciidanka ay xornimo ku maraan meelaha qaar?

Col Njuguna ayaa ku jawaabay; “Waan sii wadaynaa dadaallada ku aadan sugidda amniga, si loo helo Nabadgelyo, laakiin mararka qaar waxaa dhici karta weeraro gaadma ah, sida kii maanta oo kale, balse markasta waan sii wadaynaa dadaallada ku aadan xoojinta amniga.

War-saxaafadeedkii aan soo saarnay ayaa ku sheegnay in weerarkaasi ay naga geeriyootay saddex askari, saddex kalena ay naga dhaawacmeen.

Waxaa la weydiiyay su’aal ahayd maxaa hakiyay howlgalkii badweynta Indiya ee ka dhanka ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee AMISOM ay ku dhawaaqday sanadkii tegay?

Howlgalka Militeri waxa ay leeyihiin waqti u gaar ah oo lagu jaan gooynaya sida ay u socdaan howlgallada, runtii howlgalka badweynta Indiya waxa uu yahay howlgallo Milateri, waana mid socda, mana dhamaan howlgalkaasi oo waa ii socdaa, balse maalin waliba waxaan sameynaa tallaabooyin loogu kuur galayo sida howlgalka lagu xoojin lahaa, marka waxaad la socotaan in tani ay tahay mid weli socda, una baahan in xaalad kasta lagu qiimeeyo.

Halkan ka dhageyso

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/04/Afhayeenka-AMISOM1.mp3

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeybgalay xafladda lagu xusayay sanad guurada 1aad ee Ururka Himilo “SAWIRRO”

Next Post

Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

Next Post
Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In