Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Ciidanka Nabadgelyada Midowga Afrika ee AMISOM Col Njuguna oo wareysi gaar ah siiyay Radio Mqudisho ayaa ka hadlay weerarkii maanta lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidka AMISOM oo lagu weeraray gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ayaa yiri: “Maanta Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou waxa uu soo saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlayo weerarkii maanta lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM, kaasi oo uu ku tilmaamay in uu ahaa Weerar fuleynimo ah,

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Ciidanka AMISOM waa ay iska caabiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday,  laakiin saddex ayaa naga geeriyootay saddex kalena dhaawac fudud ayaa ka soo gaartay weerarka oo ka dhacay inta u dhexeysa Lego iyo Balidoogle.

Weerarka waxa uu qeybka yahay mid kooxaha dhagar qabayaashu ay kaga soo horjeedaan dadaallada ku aadan nabad ku soo dabaalidda Soomaliya ee ay wadaan ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxa ay sidoo kale isku dayayaan in ay rabashaan dadaalladaasi, waxa falkaasi sameynayana waa cadowga Shabaka Soomaaliyeed,

AMISOM waxa ay dhiigooda u hurayaan Walaalahood Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay siiwadaan dadaalka ku aadan Nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, waxaaana uu intaa ku daray in uu murugada la qeybsanayo qoysaska ay askartooda kaga geeriyoodeen weerarkii maanta ee noloshooda ku waayay, waxaana uu kuwa dhaawac ah u rajeeyay inay bogsadaan, ayna dib ugu soo laaban doonaan howlaha ay ka hayaan Soomaaliya,, taasi waxa ay ahayd jawaabtii ama war-saxaafadeed ay AMISOM ka soo saartay weerarkii maanta.

Afhayeenka mar la waydiiyay su’aal ahayd sidee ku xoojinaysaan amniga meelaha ay marayaan kolonyada gaadiidka AMISOM, maxayse tahay talaabada idinkaga aadan sugidda amniga si dadka iyo ciidanka ay xornimo ku maraan meelaha qaar?

Col Njuguna ayaa ku jawaabay; “Waan sii wadaynaa dadaallada ku aadan sugidda amniga, si loo helo Nabadgelyo, laakiin mararka qaar waxaa dhici karta weeraro gaadma ah, sida kii maanta oo kale, balse markasta waan sii wadaynaa dadaallada ku aadan xoojinta amniga.

War-saxaafadeedkii aan soo saarnay ayaa ku sheegnay in weerarkaasi ay naga geeriyootay saddex askari, saddex kalena ay naga dhaawacmeen.

Waxaa la weydiiyay su’aal ahayd maxaa hakiyay howlgalkii badweynta Indiya ee ka dhanka ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee AMISOM ay ku dhawaaqday sanadkii tegay?

Howlgalka Militeri waxa ay leeyihiin waqti u gaar ah oo lagu jaan gooynaya sida ay u socdaan howlgallada, runtii howlgalka badweynta Indiya waxa uu yahay howlgallo Milateri, waana mid socda, mana dhamaan howlgalkaasi oo waa ii socdaa, balse maalin waliba waxaan sameynaa tallaabooyin loogu kuur galayo sida howlgalka lagu xoojin lahaa, marka waxaad la socotaan in tani ay tahay mid weli socda, una baahan in xaalad kasta lagu qiimeeyo.

Halkan ka dhageyso

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/04/Afhayeenka-AMISOM1.mp3

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeybgalay xafladda lagu xusayay sanad guurada 1aad ee Ururka Himilo “SAWIRRO”

Next Post

Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

Next Post
Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In