Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ammaanka caasimadda oo lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ahaa mid deg deg ayaa waxaa looga hadlayey Amaanka magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay oo shir guddoominaaye Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidad iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakisha Hey’adaha Amniga,   Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Agaasimayaal

Kulankan oo socday saacada badan ayaa aad looga dooday in la balaariyo qorshayaasha lagu xoojinayo Amniga caasimadda Masuuliyiinti ka qeyb gashay kulankan Deg dega ah ayaa soo jeediyay iney diyaar u yihiin waxkasto oo looga hortagayo falalka gurcan ay Al-Shabaab maleegayaan sidoo kale Taliyaha ciidanka NISA ayaa soo jeediyay in kulan xus ah loo sameeyo Askartii naftooda ku waayay Qaraxii ay Al-Shabaab habeenimadii Jimcaha ka geesten Taalada SYL isla markaana laga war hayo qoysaski ay ka baxeyn.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha qeybta Guud booliska ee Goabalka Bbanaadir Sareeya Guute Cali Xirsi Bare Caali Gaab ayaa kulanka kadib Warbaahinta u sheegay in Hey’amaanka gobalka Banaadir ay sii laba laabi doonan Sugida Ammaanka caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ku hadlaayey Codka Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida waxa uu Warfidiyeenada u sheegay in dhabarjab weyn uu ku dhacay Kooxda UGUS, taasi badalkeedana ay baabi’naayaan meelkasto oo horumar kasocda iyo meel kaste oo ay dadweynuhu isugu yimaadan.

Taliyaha Ciidanka NISA Ganeral Tuuryare ayaa sidoo kale sheegay in waxii haatan ka bilowda uu Maamulka gobalka Banaadir mas’uul ka yahay Ammaanka magaalada Muqdisho, isla markana ay awood u leeyihiin iney Howl galiyaan talisyada Booliiska iyo Nabad-Sugida ee qeybta guud Gobalka Banaadir.

Hey’adaha Dowladda Soomaaliya ayaa 24 saac ee ugu danbeeyay waxey yeeshen Kulama kala duwan oo looga hadlayey horumarinta Nabad-galyada caasimadda iyo sidii guud ahaan Dalka looga xoreyn lahaa Argagixisada Al-Shabaab.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo Madax kala duwan kula kulmay Turkiga+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo Jabuuti uga qeyb galaya shir looga hadlayo amniga Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka

Madaxweynaha oo Jabuuti uga qeyb galaya shir looga hadlayo amniga Soomaaliya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In