Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqalka hoose ee Baarlamaanka Japan oo doortay ra’iisul wasaare cusub

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Aqalka hoose ee Baarlamaanka Japan oo doortay ra’iisul wasaare cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Japan ayaa maanta oo arbaco ah u doortay Yoshihide Suga in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas. Ninkan ayaa kamid ah wasiiradii la soo shaqeeyay siddeedii sano ee dalka uu xukumayay ra’iisul wasaaraha xilka ka degay ee Shinzo Abe.

Mr. Suga, oo 71 sano jir ah, ayaa Abe u ahaa gacantiisa midig, waxaana uu hormuud u ahaa fulinta barnaamijka xukuumadda oo ay kamid tahay istiraatiijiyada dhaqaalaha dalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Japan Shinzo Abe, ayaa isku casilay sababo la xiriira caafimaadkiisa. Mr. Suga waxaa uu ahaa xoghayaha golaha wasiirrada Japan.

Mr. Suga wuxuu heley 314(Saddex boqol afar iyo toban) cod tirada guud ee aqalka hoose baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 462 (Afar boqol labo iyo lixdan) mudane. Go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa iska leh aqalka sare ee dalkaas, waxaana la filayaa in Mr. Suga ay u xulan doonaan hoggaanka dalka, maadaama awood ay ku leeyihiin xisbiga talada haya ee LDP.

Suga, ayaa ku guuleystay hoggaanka xisbul xaakimka dalka Japan ee Liberal Democratic Party oo (LDP) loo soo gaabiyo doorashadii isniintii qabsoontay, waxaase uu wajahayaa caqabado ay kamid yihiin dhibaatada safmarka COVID-19 iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka.

Inkastoo uu leeyahay xeelad diplomaasiyadeed oo kooban, haddana Suga waxaa maareyn doonaa xiriirka sii xumaanayo ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinah, waxaana uu xiriir wanaagsan la yeena doonaa madaxweynaha ku guuleysta doorashada Mareykanka ka dhici doonta 3 bisha November isagoo sidoo kale sii wadi doona xiriirka Japan la leedahay  Beijing.

Warbaahinta gudaha dalka Japan ayaa sheegaysa in xubnaha xukuumadda cusub ku dhowaad kala bar ah noqon doonaan kuwii ku jiray xukuumaddii ra’iisul wasaare Abe. Labo haween ah ayaa ku jiri doona xukuumadda waxayna isku cel celiska da’dooda noqon doontaa 60 sano.

Wasiirrada ku soo laaban doona xukuumadda cusub waxaa kamid ah; wasiirka maaliyadda Taro Aso, wasiirka arrimaha dibadda Toshimitsu Mategi, wasiirka Olombikada Seiko Hashimoto iyo wasiirka degaanka Shinjiro Kaizumo oo ah ninka ugu da’da yar xukuumadda oo 39 sano jir.

Previous Post

AKHRISO: ISKU AADKA TARTANKA DEGMOOYINKA 2020-ka

Next Post

Guddoonka Golaha Shacabka oo xildhibaan Yuusuf Ibraahim uga tacsiyeeyay geerida ku timid hooyadiis

Next Post
Guddoonka Golaha Shacabka oo xildhibaan Yuusuf Ibraahim uga tacsiyeeyay geerida ku timid hooyadiis

Guddoonka Golaha Shacabka oo xildhibaan Yuusuf Ibraahim uga tacsiyeeyay geerida ku timid hooyadiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In