Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kaashanaya hay’adda IESG ee ka taageerta arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa ku qabtay xarunta Guddiga, aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta iyo horumarinta xiriirka daneeyaasha doorashooyinka.

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa casharro muhiim ah ka bixiyay Mr. Judge kriegler, Guddomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa sannadkii 1994-tii ahna khabiir ku xeel dheer hirgelinta doorashooyinka wadamada ka soo kabanaya colaadaha sokeeye.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Kulankan ayaa waxaa diirrada lagu saaray hannaanka shaqo hufnaan iyo dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay Guddi Doorasho.

“Waxaad ku hirgelin kartaan doorashooyin la aqbalo natiijada ka soo baxda markii aad ku guulaysataan kalsoonida daneeyaasha siyaasadeed iyo shacabka” Ayuu yiri Mr. Kriegler.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa ayaa aad ugu adkeeyey Guddiga in ay dhisaan hannaanka xiriirka iyo xallinta khilaafaadka doorashoyinka inta aysan guda gelin howlaha doorashooyinka.

Ka qaybg galayaasha aqoon iswaydaarsiga ayaa wax ka waydiiyay khabiirka arrimo la xiriira habka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgala dalka iyada oo ay jiraan duruufo u gaar ah dalka Soomaaliya.

Aqoon iswaydaarsigaan oo socon doona ilaa 4ta bisha Disembar 2019 ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga, Xoghayaha guud iyo Agaasimeyaasha iyo lataliyaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta hor tagay Gollaha aqalka sarre ee BFS “Sawirro”

Next Post

Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Next Post
Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In