Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kaashanaya hay’adda IESG ee ka taageerta arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa ku qabtay xarunta Guddiga, aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta iyo horumarinta xiriirka daneeyaasha doorashooyinka.

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa casharro muhiim ah ka bixiyay Mr. Judge kriegler, Guddomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa sannadkii 1994-tii ahna khabiir ku xeel dheer hirgelinta doorashooyinka wadamada ka soo kabanaya colaadaha sokeeye.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Kulankan ayaa waxaa diirrada lagu saaray hannaanka shaqo hufnaan iyo dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay Guddi Doorasho.

“Waxaad ku hirgelin kartaan doorashooyin la aqbalo natiijada ka soo baxda markii aad ku guulaysataan kalsoonida daneeyaasha siyaasadeed iyo shacabka” Ayuu yiri Mr. Kriegler.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa ayaa aad ugu adkeeyey Guddiga in ay dhisaan hannaanka xiriirka iyo xallinta khilaafaadka doorashoyinka inta aysan guda gelin howlaha doorashooyinka.

Ka qaybg galayaasha aqoon iswaydaarsiga ayaa wax ka waydiiyay khabiirka arrimo la xiriira habka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgala dalka iyada oo ay jiraan duruufo u gaar ah dalka Soomaaliya.

Aqoon iswaydaarsigaan oo socon doona ilaa 4ta bisha Disembar 2019 ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga, Xoghayaha guud iyo Agaasimeyaasha iyo lataliyaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta hor tagay Gollaha aqalka sarre ee BFS “Sawirro”

Next Post

Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Next Post
Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In