Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Mudane Cabdijamaal Ismaaciil ayaa maanta Muqdisho ku soo xiray Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Fahamka iyo Tebinta Natiijooyinka Warbixinnada Baariseed ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo ay ka soo qayb-galeen Wariyeyaal ka socday qaar kamid ah Warbaahinta Maxaliga ah.

Ujeedka aqoon-is-weydaarsigan ayaa ahaa in faham guud laga siiyo, korna loo qaado xirfadda iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah war-fidiyeenada marka ay tabinayaan warbixinnada hantidhowr iyo in ay si saxan oo hufan u fahmaan, uguna gudbiyaan natiijooyinka baarista handtidhowr muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha kale. Waxaana bahda warbaahinta laga siiyay faham buuxa oo ku saabsan hababka hantidhowrista, erey-bixinta, iyo hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee ka warbixinta iyo tebinta arrimaha maamulka maaliyadda dowladda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ku Xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa si qotodheer u tilmaamay ahmiyadda gaarka ah ee uu Xafiisku siinayo sare u qaadida xiriirka iyo wadashaqeyta bahda warbaahinta, si sare loogu qaado isla-xisaabtanka, dahfurnaanta iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Ugu danbeyn, Ku Xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa u mahadceliyay ka soo qaybgalayaasha iyo agaasimeyaasha Xafiiska ee fududeeyay qabsoomidda aqoon-is-weydaarsigan.

Previous Post

Maalinta Naas-Nuujinta Adduunka oo laga xusay Muqdisho

Next Post

Tiirka Maamul Wanaagga ee Qorshaha Isbedelka Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Next Post
Tiirka Maamul Wanaagga ee Qorshaha Isbedelka Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Tiirka Maamul Wanaagga ee Qorshaha Isbedelka Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In