Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo intii uu Dalka Soomaaliya galay xaaladda bur-burka sanadkii 1991-kii, waxaa uu Paasaboorku ka mid ahaa waxyaabaha uu bur-burku saameyn ku yeeshay, waayo waa aqonsiga qofka, islamarkaana waxa uu ka mid yahay waxyaabaha lagu aqoonsado Jinsiyadda qofka, uuna ku kala safri karo dunida meesha uu doono, balse muddooyin badan ayaa la waayay waxa ay Soomaalidu ku safarto, iyadoo uu Caalamku diiday aqoonsiga Baasaboorka cusub ee Soomaliya.

 

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Balse nasiib wanaag waayahaan dambe waxaa la waday dadaallo sidii loo aqoonsan lahaa Paasaboorka cusub oo ay Soomaaliya yeelatay, sidaasi awgeed ayay shalay la shaaciyay in Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg ay si rasmi ah u aqoonsadeen baasaboorka Soomaaliga ah gaar ahaan baasaboorada dublamaasiga iyo kan shaqada,.

Aqoonsigan Dowladaha ee baasaboorada dublamaasiga iyo kan shaqada ayaa waxaa si wadajir ah ay uga shaqeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

Arrintan ayaa waxaa shaacisay Safaarada dowladda Belgium ay ku leedahay Dalka Kenya ,iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay tallaabada ay ku aqoonsatay baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aaden Koofi ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa dadaalo la xiriira sidii Baasaboorka Soomaaliga loo horumarin lahaa, isla markaana loo heli lahaa aqoonsi caalami ah, waxaana horay u aqoonsaday dalal Badan
Laba ka mid ah wadamada Qaarada Yurub aya waxaa ay sirasmi ah ugu dhawaaqeen inay Aqoonsadeen baasaboorka Dalka Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka dalal yar laga qoonsanaa.

Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg,kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya, iyadoo arrintaan sida la sheegay ay siwadajir ah ay uga shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo Socaalka,hasayeeshee tan ay wax walba u fududeyneyso.

Horay ayaa waxaa Baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday Wadamo badan oo uu ka mid yihiin dalka Norway, Faransiis iyo Talyaaniga, waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dadaal u galeyso sidii wadamada Qaarada Yurub u aqoonsan lahaayeen, islmarkaana ay ku sii fidiso dunida inteeda kale.

W.D.C/laahi Ruush

Previous Post

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Wasaaradaha Waxbarashada Heer Faderaal iyo Goboleed

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Baladul Amiin

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Baladul Amiin

Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Baladul Amiin

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In