Munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay laba boqol dhallinyaro ah oo ka kala yimid Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka oo ka qalin jabiyay barashada farsamada gacanta sida barashada cilmiga beeraha, maamulka hoteelada, cuno karinta iyo barashada aaladda Computer-ka ee machadka Hano Academy ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho
Qaar ak mid ah ardayda oo ka hadlay dareenkooda iyo sida ay ugu faraxsanyihiin aqoonta ay ka barteen ayaa tilmaamay inay haatan barteen farsamo mustqalka anfaceyso oo ay ku shaqeysan karaan.
Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa ku booriyay ardayda sida wanaagsan ay ugu adkeysteen barashada farsamada oo muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.
Madaxa Machadka Hano Academy Dr Sacdiyo Siyaad oo ka warbixisay muhiimadda barashada xirfadda ay u leedahay bulshaad Soomaaliyeed ayaa ku guubaabisay ardayda in ay kordhiyaan aqoontooda, isla markaana waxyaabaha ay barteen ay bulshadooda ugu adeegaan.