Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday bilowday qorshe bulshada ay dhiigooda ugu deeqi karaan shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Jimciyadda ASAL oo siminaar lagu baranayo Wadaniyadda u qabatay Arday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu daah furayay olole ku saabsan deeq bixin xagga dhiiga ah oo ay soo qaban qaabiyeen arday wax ka barata Jaamacadda banaadir oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya, maamulka gobolka banaadir, dhakhaatiir, arday dhakhaatiir ka socotay dowladda Turkiga iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa looga hadlay ahmiyadda ay xilligan u leedahay bulshada Soomaaliyeed in la helo deeq bixiyayaal dhiig, taasoo si lacag la’aan ah loogu deeqayo ama lagu badbaadinayo bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee u dhimanaya dhiig la’aanta

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Qaar ka mid ah dhaqaatiirtii ka hadashay goobta ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay ololahan lagu shaubayo deeq dhiig ah ee lagu keydinayo bankigii dhiiga si loo samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed.

Maamulaha qeybta sheybaarka ee Wasaarada caafimaadka Qaasim Cabdi Jimcaale oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku booriyay bulshadu in la garab istaago howlahan wax loogu qabanaya bulshada.

Xildhibaan Amiin Xasan Aalow oo ah xoghayaha guddiga cadaaladda iyo arrimaha diinta ee Baarlamaanka ayaa ardayda ku dhiiri geliyay inay labo jibaaraan dadaallada ay ugu gurmanayaan shacabka, isla markaana dhiiga loogu yabooho dadka xanuunsan ee ku jira isbitaallada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Maxamuud Dufle ayaa sheegay in tani ay tahay fikirka aad u wanaagsan oo ah in dadka dhiig loogu deeqo, isla markaana dhiigaasi laga qaado dadka awooda, waxaan idin sheegayaa in aan idin garab taaganahay.

 

 

Previous Post

Qorsheyaal looga hortago weerarada Al-Shabaab oo la diyaariyay

Next Post

Islaamka iyo Caddaaladda – DHAGAYSO

Next Post
Islaamka iyo Caddaaladda – DHAGAYSO

Islaamka iyo Caddaaladda - DHAGAYSO

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In