Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday la guddoonsiiyay shahaadooyin oo lagu qabtay Mareykanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 15, 2015
in Wararka
0
Arday la guddoonsiiyay shahaadooyin oo lagu qabtay Mareykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 350 Arday oo ay ku jiraan qaar ka mid ah imaamyada Misaajida Waqooyiga Mareykanka ayaa la gudoon siiyey shahaadooyin kaddib markii ay soo idlaatay daruus diini ah oo ay bixinayeen Culimaa’udiin kala ah Sheekh Dahiiru Diin Al-Mabaarakfuri iyo Sheekh Abdirahman Binu Cubeydulaahi Al-Mabaarakfuri iyo Sheekh Afdal Xussen.

Xafladani lagu gudoonsiinayey shahaadooyinka ayaa waxa ay ka dhacday Masjidka weyn ee Karamer kaasi oo marti geliyey Culimadani oo ka timid Dalka Hindiya, iyadoo goobta ay xaflada ka dhacaysay si weyn loo buux dhaafiyey.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025

Sheekh Dahiiru Diin wuxuu ka mid yahay culimada waa wayn ee Islaamka ee ku takhasusay cilmiga xadiithka, waxaana da’diisu ay jirtaa 95 oo maalin walba Sideed (8) Saacadood la fadhiyey ardayda.

Dawra diini ah oo socotey 11 maalmood waxaa lagu akhrinayey kitaabka saxiixul muslimka waxaana ka qayb galey 150 ardey oo fadhidey kitaabka oo dhegeysaneysey iyo 200 ardey oo dhanka online kala socotey adduunka qaybihiisa kala duwan, waxaaa dhamaan ardadii la gudoonsiiyey shahaadooyin, waxayna u ahayd reer Minnesota fursad qaali u ah in ay la kulmaan Sheekhaas caalimka ah.

Sheekh Tawakal Ismaaciil oo ka mid ah Ardaydii shahaadada la gudoonsiiyey oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay farxad u tahay in uu Cilmi ka barto Sheekh Dahiiru Diin Al-Mabaarakfuri wuxuuna si gaar ah uga mahad celiyey Maamulka Masjidka Karamer oo bulshada u qidmeeya, isla markaana dusha saartay in uu marti geliyo Munaasabadani.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Kaariye oo ka mid ah culumada loogu jecel yahay ayaa isna ka mid ahaa Culimadii nasiibka u yeelatay in shahaada la gudoonsiiyo, wuxuuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay in tiro arday ah oo intaasi la eg lagu abaalmariyo Cilmigii ay barteen kuwaasi oo xambaari doona siina faafin doona Diinta islaamka.

Ugu Danbeyntii Ardaydii iyagane aanan u suura gelin in ay munaasabadani ka qeyb galaan ayaa kala socday qadka internetka.

_MG_3528 IMG_3441 IMG_3433 _MG_3531 _MG_3530 _MG_3528 _MG_3525 _MG_3524 _MG_3519 _MG_3518 _MG_3514 _MG_3512 _MG_3504 _MG_3501 _MG_3494 _MG_3492 _MG_3486 _MG_3482 _MG_3481 _MG_3480 _MG_3478 _MG_3476 _MG_3475 _MG_3473 _MG_3469 _MG_3453 _MG_3448 _MG_3427 _MG_3406 _MG_3402 _MG_3398 _MG_3397 _MG_3390 _MG_3367 _MG_3366 _MG_3359 _MG_3352 _MG_3351 _MG_3346 _MG_3341 _MG_3333 _MG_3331 _MG_3321 _MG_3320 _MG_3306 _MG_3302 _MG_3301 _MG_3298 _MG_3297

LIBAN HUSSEIN WARBAHINTA QARANKA MINNEAPOLIS

Previous Post

Dhaq dhaqaaq ganacsi oo laga dareemayo degmada Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In