Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday la guddoonsiiyay shahaadooyin oo lagu qabtay Mareykanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Arday la guddoonsiiyay shahaadooyin oo lagu qabtay Mareykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 350 Arday oo ay ku jiraan qaar ka mid ah imaamyada Misaajida Waqooyiga Mareykanka ayaa la gudoon siiyey shahaadooyin kaddib markii ay soo idlaatay daruus diini ah oo ay bixinayeen Culimaa’udiin kala ah Sheekh Dahiiru Diin Al-Mabaarakfuri iyo Sheekh Abdirahman Binu Cubeydulaahi Al-Mabaarakfuri iyo Sheekh Afdal Xussen.

Xafladani lagu gudoonsiinayey shahaadooyinka ayaa waxa ay ka dhacday Masjidka weyn ee Karamer kaasi oo marti geliyey Culimadani oo ka timid Dalka Hindiya, iyadoo goobta ay xaflada ka dhacaysay si weyn loo buux dhaafiyey.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sheekh Dahiiru Diin wuxuu ka mid yahay culimada waa wayn ee Islaamka ee ku takhasusay cilmiga xadiithka, waxaana da’diisu ay jirtaa 95 oo maalin walba Sideed (8) Saacadood la fadhiyey ardayda.

Dawra diini ah oo socotey 11 maalmood waxaa lagu akhrinayey kitaabka saxiixul muslimka waxaana ka qayb galey 150 ardey oo fadhidey kitaabka oo dhegeysaneysey iyo 200 ardey oo dhanka online kala socotey adduunka qaybihiisa kala duwan, waxaaa dhamaan ardadii la gudoonsiiyey shahaadooyin, waxayna u ahayd reer Minnesota fursad qaali u ah in ay la kulmaan Sheekhaas caalimka ah.

Sheekh Tawakal Ismaaciil oo ka mid ah Ardaydii shahaadada la gudoonsiiyey oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay farxad u tahay in uu Cilmi ka barto Sheekh Dahiiru Diin Al-Mabaarakfuri wuxuuna si gaar ah uga mahad celiyey Maamulka Masjidka Karamer oo bulshada u qidmeeya, isla markaana dusha saartay in uu marti geliyo Munaasabadani.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Kaariye oo ka mid ah culumada loogu jecel yahay ayaa isna ka mid ahaa Culimadii nasiibka u yeelatay in shahaada la gudoonsiiyo, wuxuuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay in tiro arday ah oo intaasi la eg lagu abaalmariyo Cilmigii ay barteen kuwaasi oo xambaari doona siina faafin doona Diinta islaamka.

Ugu Danbeyntii Ardaydii iyagane aanan u suura gelin in ay munaasabadani ka qeyb galaan ayaa kala socday qadka internetka.

_MG_3528 IMG_3441 IMG_3433 _MG_3531 _MG_3530 _MG_3528 _MG_3525 _MG_3524 _MG_3519 _MG_3518 _MG_3514 _MG_3512 _MG_3504 _MG_3501 _MG_3494 _MG_3492 _MG_3486 _MG_3482 _MG_3481 _MG_3480 _MG_3478 _MG_3476 _MG_3475 _MG_3473 _MG_3469 _MG_3453 _MG_3448 _MG_3427 _MG_3406 _MG_3402 _MG_3398 _MG_3397 _MG_3390 _MG_3367 _MG_3366 _MG_3359 _MG_3352 _MG_3351 _MG_3346 _MG_3341 _MG_3333 _MG_3331 _MG_3321 _MG_3320 _MG_3306 _MG_3302 _MG_3301 _MG_3298 _MG_3297

LIBAN HUSSEIN WARBAHINTA QARANKA MINNEAPOLIS

Previous Post

Dhaq dhaqaaq ganacsi oo laga dareemayo degmada Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In