Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Arday shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu maamuusayay xirtaanka sanad dugsiyeedka iskuulka SIREC iyo Madarasada Cumar Faaruuq ee magaalada Johannseburg ayaa waxaa kasoo qeybgalay dad weyne aad u badan oo isugu jiray Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato iyo Waalidiinta caruurta waxa ka barata Iskuulka iyo Madarasada.

Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay arday dhameeysatay bilowga fasalka carruurta yar yar wax lagu baro iyo kuwa fasalka ugu sareeya iskuulka SIREC oo ah fasalka 7-aad kuwaasoo u gudbaya sanadka cusub fasalka sideedaad oo ay tagayaan iskuul kale, waxaa sidoo kale la abaal mariyay 13 arday oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho oo quraanka ka dhameeyay madarasada Cumar Faaruuq.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Professor Cigaal oo wax ka dhiga Jaamacada Vaal ee dalkaan Koonfur Afrika oo ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta iskuulka SIREC iyo madarasada Cumar Faaruuq oo kudadaalay inay soo saaraan jiil waxbaranaya oo hamigoodu sareeyo, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay bandhiga qurxoon ee ay ardaydu kusoo bandhigeen munaasabadaan xiritaanka sanad dugsiyeedka 11-aad.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan ka qeybgalno munaasabadan carruurteena lagu gudoonsiinayo Shahaadooyin,qof aan wax baran iyo qof bartay waxa ay kala yihiin iftiin iyo gudcur”

Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Sirec iyo Madarasada Cumar Faaruuq Sheikh Maxamed C/raxmaan Abuukar oo gabagabadii munaasabada warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ardaydaan isugu jiraan Soomaali iyo Ajaaniib kale ayna macliiminta ku dadalaan sida tacliinta dalkaan iyo dhaqanka suuban ee diinta Islaamka u baraan, isagoo intaasi ku daray inay dhallaankaan qaarkood yihiin Agoomo.

” Waxaan aad ugu faraxsanahay inay nagala soo qeyb galaan Waalidiin iyo marti sharaf xaflada xirtaanka sanad dugsiyeedkan 2016 ka indhihina waxaad ku aragtaan sida ay caruurtiina sida ay wax u bartaan taasina waxaan ugu mahadcelinayaa macalimiinta ku bixiya dadaal dheeri ah.

Madarasada Cumar Faaruuq iyo Iskuulka SIREC oo ah hal Xarun oo ay wax ku bartaan dhalaanka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayna wax ka bartaan  Arday isugu jirta Soomaali iyo Ajanabi ayaa waxay gaareysaa tiradooda in ka badan 700 oo arday iyadoo lagu baro Waxbarashada Diiniga, maadiga iyo tarbiyada caruurta.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed

C/qaadir Axad,Johhanseburg

 

Previous Post

Doorashada Aqalka Sare ee xubnaha gobollada Waqooyi oo ka bilaabanaysa Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha J. Soomaaliya oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Next Post
Madaxweynaha J. Soomaaliya oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha J. Soomaaliya oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In