Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Arday shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu maamuusayay xirtaanka sanad dugsiyeedka iskuulka SIREC iyo Madarasada Cumar Faaruuq ee magaalada Johannseburg ayaa waxaa kasoo qeybgalay dad weyne aad u badan oo isugu jiray Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato iyo Waalidiinta caruurta waxa ka barata Iskuulka iyo Madarasada.

Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay arday dhameeysatay bilowga fasalka carruurta yar yar wax lagu baro iyo kuwa fasalka ugu sareeya iskuulka SIREC oo ah fasalka 7-aad kuwaasoo u gudbaya sanadka cusub fasalka sideedaad oo ay tagayaan iskuul kale, waxaa sidoo kale la abaal mariyay 13 arday oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho oo quraanka ka dhameeyay madarasada Cumar Faaruuq.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Professor Cigaal oo wax ka dhiga Jaamacada Vaal ee dalkaan Koonfur Afrika oo ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta iskuulka SIREC iyo madarasada Cumar Faaruuq oo kudadaalay inay soo saaraan jiil waxbaranaya oo hamigoodu sareeyo, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay bandhiga qurxoon ee ay ardaydu kusoo bandhigeen munaasabadaan xiritaanka sanad dugsiyeedka 11-aad.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan ka qeybgalno munaasabadan carruurteena lagu gudoonsiinayo Shahaadooyin,qof aan wax baran iyo qof bartay waxa ay kala yihiin iftiin iyo gudcur”

Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Sirec iyo Madarasada Cumar Faaruuq Sheikh Maxamed C/raxmaan Abuukar oo gabagabadii munaasabada warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ardaydaan isugu jiraan Soomaali iyo Ajaaniib kale ayna macliiminta ku dadalaan sida tacliinta dalkaan iyo dhaqanka suuban ee diinta Islaamka u baraan, isagoo intaasi ku daray inay dhallaankaan qaarkood yihiin Agoomo.

” Waxaan aad ugu faraxsanahay inay nagala soo qeyb galaan Waalidiin iyo marti sharaf xaflada xirtaanka sanad dugsiyeedkan 2016 ka indhihina waxaad ku aragtaan sida ay caruurtiina sida ay wax u bartaan taasina waxaan ugu mahadcelinayaa macalimiinta ku bixiya dadaal dheeri ah.

Madarasada Cumar Faaruuq iyo Iskuulka SIREC oo ah hal Xarun oo ay wax ku bartaan dhalaanka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayna wax ka bartaan  Arday isugu jirta Soomaali iyo Ajanabi ayaa waxay gaareysaa tiradooda in ka badan 700 oo arday iyadoo lagu baro Waxbarashada Diiniga, maadiga iyo tarbiyada caruurta.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed

C/qaadir Axad,Johhanseburg

 

Previous Post

Doorashada Aqalka Sare ee xubnaha gobollada Waqooyi oo ka bilaabanaysa Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha J. Soomaaliya oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Next Post
Madaxweynaha J. Soomaaliya oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha J. Soomaaliya oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In