Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda dugsiga Jaabir bin Xayaan oo kaalmo lacageed gaarsiiyay gabar yar oo xanuunsan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ardayda dugsiga Jaabir bin Xayaan oo kaalmo lacageed gaarsiiyay gabar yar oo xanuunsan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ardayda Dugsiyada Jaabir Bin Xayaan ee hoostaga Mu’asasada Maka Al-mukarama ayaa deeq lacageed oo gaareysa $1000 (kun dollar) gaarsiiyay Maryama Afrika oo ku xanuunsaneysa xaafad ku taalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Ardaydan oo dadaal dheer u galay sidii ay gacan muuqata uga qaadan lahaayeen xal u helidda xanuunka hayay Maryama Afrika ayaa si deg deg ah uga soo jawaabay fariintii la soo gaarsiiyay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dhamaan maamulada dugsiyada Jaabir Bin Xayaan iyo madaxda Mu’asasada Maka Al-mukarama ayaa si wada jir ah ugu booriyay ardaydooda iney garab iyo hiil u noqodaan inantan yari oo mudada dheer ku xanuunsaneysay degmada Waabari, sidii gargaar caafimaad oo dibadda ah loogu heli lahaa iyadoo xanuunka asiibay Maryama Yariisey lagu sheegay Cancer kaga bilawday sanka kadibna ku faafay xubnaha sare ee jirkeeda waxaana ugu sii daran isha midg.

Waxaa horay deeq lacageed oo sidaan oo kale ah soo gaarsiyay Xarumo waxbarasho oo isugu jiray Jaamacado & Dugsiya Sare oo kamid yihiin Jaamacadda Jazeera, Dugsiyada Hoyga Xamar & Imaamu Maalik & Qurba joog Soomaaliyeed oo kala jooga wadamada Sucuudiga, Mareykanka & Qaaradda Yurub wadama dhaca.

Wakiilka maamulayaasha & madaxda dugsiyada Jaabir Bin Xayaan Ustaad Axmed Maxamed Xassan Gaadle ayaa deeqdaasi lacageed ku wareejiyay Hooyo Nimco Tifow oo ah inanta xanuunsaneysa hooyadeed iyadoona ay ku wehlinayeen booqashadiisa qaar kamid ah ardaydiisa & madax ka tirsaneyd ururka mideynta & horumarinta ardayda soomaaliyeed ee Asal.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa horay ugu baaqay dhamaan dadka Muxsiniinta ah ee Ilaahey wax siiyay iney gurmad caafimaad oo deg deg ah la gaaraan inantan yare ee ku xanunsaneysa Muqdisho.

Sidoo kale Jimciyadda Asal oo u adeegta ardayda Soomaaliyeed ayaa dadaal xooggan u gashay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baahin lahaa baahida ay qabto Maryama si loo garab istaago.

Horay ayaa dhakhaatiirta & Wasaaradda Caafimaadkuba u sheegeen inaaney xaaladeeda caafimaad Maryama gudaha dalka wax looga qaban karin oo si deg deg ah ugu baahantahay in gargaar caafimaad oo banaanka ah loo fidiyo iyadoona la wado sidii looga jawaabi lahaa dhamaan baaqyada ku wajahan sidii loogu heli lahaa Maryama gargaar caafimaad oo deg deg ah.

m1 m2 m3 m4 m5 m6 m7

 

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay xaflad arday shahaado saxaafadeed lagu guddoonsiinayay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In