Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Jaamacadda SIU oo ka hadlay xaalufinta dhirta iyo dhibaatada ka dhalan karta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ardayda Jaamacadda SIU oo ka hadlay xaalufinta dhirta iyo dhibaatada ka dhalan karta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu xusayay Maalinta todobaadka Dhirta Soomaaliyeed kaasi oo looga hadlayay dhibaatada ay u leedahay  xaalufinta dhirta deegaanka oo ay soo qaban qaabiyeen  ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda  SIU  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadda SIU ardayda wax ka barata Jaamacadda  aqoonyahanno, Waalidiin,  Xildibaanno iyo marti sharaf kale.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Inta ay munaasabada socotay ayaa ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda SIU  waxa ay goobta  ku soo bandhigeen dhibaatada  ay leedahay xaalufinta  dhirta iyo sidii loo joojin lahaa.

Fowsiya Aadan Maxamed oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda  SIU gaar ahaan kuliyadda beeraha ayaa tilmaamtay in xaalufinta dhirta ay keeni karto nabaad guur.

Madaxa Maammulka iyo maaliyada ee Jaamacada SIU Suheyb Cilmi Dhuxulow oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in maalinta xaalufinta dhirta Soomaliyeed ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed  qiima weyn isla markaana looga baahanyahay bulshadu in ay ka qeyb qaataan joojinta xaalufinta dhirta.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi ayaa kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed in ay  meel ugu soo wada jeestaan sidii loo joojin lahaa xaalufinta  dhirta.

Wasiirkii hore ee beeraha Ahna Gudiga  Abaaraha  Qaranka Maxamed  Cabdi Baafe ayaa  ka hadlay  dhoorka ay ka qaadan karto dhirta horumarinta deegaanka,  wuxuuna  ku booriyay  bulshada Soomaaliyeed in ay door  muuqda ka qaataan  joojinta xaalufinta dhirta

Previous Post

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka J/Hoose (Sawiro)

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay safiirka UK ee Soomaaliya

Next Post
Hambalyo Ku socoto Eng Yariisow oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay safiirka UK ee Soomaaliya

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In