Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda  oo Booqasha aqoon korosi ah ku tegay Madaxtooyada Qaranka+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ardayda kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda  oo Booqasha aqoon korosi ah ku tegay Madaxtooyada Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxtooyada Qaranka ayaa u fidisay ardayda dhigata kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed booqasho cilmiyeed ay wax kaga ogaanayaan hannaanka shaqo ee Xafiisyada ugu sarreeya dalka.

Ardaydaan oo soo indho-indheeyey qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ayaa kulammo xog wareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah agaasinka, madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada JFS.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Ahmed oo ardaydaan ku soo dhaweeyey Madaxtooyada ayaa uga warbixiyey shaqada guud ee Xafiiska Madaxweynaha.

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in ardaydaan oo ah dufcadii ugu horreysay burburkii kaddib ee culuumta saxaafadda ka dhigta Jamacadda Ummadda ay  aasaas u yihiin horumarka iyo koboca aqooneed ee Saxaafadda Soomaaliyeed.

Danjire Yusuf Garaad Cumar oo bare u ah ardaydaan, hoggaaminayeyna  booqasho cilmiyeedkan ayaa soo jeediyey in la xoojiyo xiriirka wada-shaqeyneed ee Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda iyo Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada.

Dhankooda, ardayda Kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxasan yihiin booqashada Madaxtooyadooda,dhiirrigelinna ay u tahay in ay fahmaan hannaanka warbaahineed ay u shaqeyso Madaxtooyada.

Previous Post

Deg Deg: Baarlaamka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020.

Next Post

Wasiirka ganacsiga XFS oo furay shir looga tashanayey Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka+Sawirro.

Next Post
Wasiirka ganacsiga XFS oo furay shir looga tashanayey Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka+Sawirro.

Wasiirka ganacsiga XFS oo furay shir looga tashanayey Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka+Sawirro.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In