Ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa howlgallo lagu sugayay amniga ka sameeyay tuulooyinka u dhaxeeya degmada Maxaas iyo deegaanka Muqokori.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa waddooyinka u dhaxeeya deegaanka Moqokori iyo degmada Maxaas oo maleeshiyada Alshabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galaan mararka qaar ayna dadka shacabka ka qaataan xoolo baad ah.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in arxan-laawayaasha Alshabaab ay ka carareen illaa 400(Afar boqol) neef oo ari ah oo ay dadka shacabka ka dhaceen kaddib markii ciidamadu ay weerareen goob ay ku aruurinayeen,iyadoo dadki lahaa ay ciidamadu dib ugu celiyeen xoolahooda.