Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Argagixisada Waa dilaa aan cidna dhaafayn

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Al-Shabaab waa u caado inay ku qubeystaan dhiigga shacabka sida biyaha oo kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Al-Shabaab waa koox Argagixiso ah oo barnaamijkooda yahay inay tarjumaad qaldan ka bixiyaan ama inxiraafiyaan Diinta Islaamka  waxayna xaabo ka dhigtaan qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo aan  helin fursadaha waxbarashada, dad waawayn oo maangaab ah iyo qaar kale oo nolosha ka dhacay.

 

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026

Naxariis darada kooxdaan waxaa daliil u ah beegsiga dadka Bir-magaydada ah sida Caruurta, Hooyooyinka iyo dadka wax tarka u ah Bulshada Soomaaliyeed, taasoo ku tusayso dhagarta kooxda la maagantahay Umadda Soomaaliyeed.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqamada xun xun ee maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan dadka Muslimiinta ah.Shareecada Islaamku way xarrintay in la daadiyo dhiigga qof ama dad aan waxba galabsan, waxaana Ilaahay ugu gooddiyay qofkii si xaqdarro ah ku daadiya dhiigga muslinka in uu gelinayo Naartiisa uuna ku waarayo,Caro Ilaahay,,Lacnad iyo Cadaab wayn.

Nabigeenna NNKH waxa uu yiri” Dunida oo suusha ama baaba’da ayaa ilaahay uga fudud in qof muslim ah dhiiggiis xaq darro loo daadiyo”.

Waxaa Nasiib darro ah maleeshiyaadka Shabaab fahamkooda,Fikirkooda iyo Ficilkooda qalloocan dartii waxay bannaysteen dhiigga dadka  aan waxba galabsan oo ay si joogto ah u daadinayaan, iyagoo hadana ku faanaya  gumaadka dadka shacbiga sida dhacdadii shalay ka dhacday Muqdisho oo Alshabaab ay ku laayeen dadka rayidka oo ku gada jiray baadigoobka iyo xasilinta nolol maalmeedkooda.

Diinteena suuban ee Islaamka ayaa meel sare gaarsiisay ilaalinta nafta, maalka iyo sharafta Qofka Muslimka, waxaana taasi badalkeeda Al-Shabaab ay caadaysteen inay si toos ah ugu xadgudaan waxkasta oo diinta islmaanka ay ilaalisay.

Alle wuxuu Quraankiisa noogu sheegay qofkii si bareer u dila qof Muslim ah, in abaal marintiisu tahay Naarta Jahanamo, isagoo ku waaraya, taas oo ay u dheer tahay carada Alle iyo inay ku dhacdo Nacladda Alle.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal badan galisay ka hortagga Falalka Argagixiso ee Kooxdaan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in loo midoobo la dagaalanka Argagixisada.

Shaki kuma jiro in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin la dagaalanka Alshabaab balse waxaa lagama maarmaan ah hirgalinta istiraatiijiyad lagu hagayo dagaalka ka dhanka ah Kooxdan hororka ah taasoo aan is leeyahay waxay sahleysaa isku xirnaanta Dowladda iyo Shacabka taasi oo horseedi doonta in kooxdaan arxanlaawayaasha ah dalka laga sifeeyo.

Al-Shabaab ayaa Ganacsatada meelaha ay ka taliyaan iyo meelaha kale ka qaado lacago baad ah, iyagoo ku sheegaya inay bad-baadinyaan Naftooda iyo Maalkooda balse taas ayaa  waxba kama jiraan ah sababta oo ah Kooxdani waxay ka been sheegatay Alle Diintiisa, waxay banaysatay dhiigii Alle xarimay ee muslimka hadaba su’aasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay badbaadinta ma waxay u yaqaanaan xasuuqa.

Hadafka kooxdan argagisxisada ah waa xasuuqa shacbga soomaaliyeed, waxaana bartilmaameed u ah qof walba oo aan iyaga ka tirsanayn , islamarkaana aan aaminsanayan afkaartooda gurracan, sidaa darted Al- Shabaab waa dilaa aan cidna dhaafayn.

SONNA

Previous Post

Joint statement of the Bahr Dar meeting between the leader of Ethiopia, Somalia and Eritrea  

Next Post

Al-Shabaab oo jidka u galay dad ka soo laabtay aaska marxuum ka mid ah kuwii ay shalay dileen

Next Post
Al-Shabaab waa u caado inay ku qubeystaan dhiigga shacabka sida biyaha oo kale

Al-Shabaab oo jidka u galay dad ka soo laabtay aaska marxuum ka mid ah kuwii ay shalay dileen

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐋𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐋𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay Wasiirada Xukuumadda Dan Qaran....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In