Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askar AMISOM ka tirsan oo dil toogasho lagu xukumay

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Askar AMISOM ka tirsan oo dil toogasho lagu xukumay

Ugandan soldiers of African Union's peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) search for explosive devices next to their base in Ceeljaale, southern coastal Somalia, on September 19, 2019. (Photo by Tina SMOLE / AFP) (Photo credit should read TINA SMOLE/AFP via Getty Images)

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay maxkamadeynta 5-tii bishan ka bilaabatay Maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Waxaa halkaas lagu dhageysanayay kiis dacwadeed loo haystay Shan askeri oo AMISOM ka tirsan kuwaas oo lagu helay “in ay dad rayid ah ku dileen” deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose.

Dhacdada oo ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.

Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay Ugandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.

Goobta xukunka uu ka dhacay waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay, oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida uu xukunka u dhacay.

Afhayeenka Beeralleyda Gobolka Shabeellaha Hoose, Xuseen Cismaan Waasuge, oo ku sugnaa maxkamadda, kaas oo la hadlay BBC Soomaali wuxuu sheegay in “Maxkamadda maantaa la soo gebagebeeyay.”

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

“Waxaa Ugandha ka yimid (xubno ka tirsan) maxkamadda ciidamada. Jimcahii ayey billaabatay.
Laba maalmood waxaa hadlay dadkii ku caddeynayay dembiga. Anaga waa nalagu casuumay, waana dhageysaneynay”, ayuu yiri Xuseen.

“Xalano ayey maxkamadeynta ka dheceysay, laakiin anaga wax Soomaali oo qareen ah oo noo doodayay ma jirin. Marqaatiga nalaga dalbadayna waa hal wiil oo ninka beerta iskalahaa uu dhalay. Toddobo qof ayaa ku marqaati furay oo lix ka mid ah ay yihiin ciidanka Ugandha ee meesha joogay”.

“Ninkii kabtanka ahaa ee ciidanka watay waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii ku xigay ee watay unugga wax laayay, waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii maydka miinada dul saaray ee ku qarxiyayna waxaa lagu xukumay 39 sano oo xabsi ah”.

Labadii nin ee xabadda ku furtayna waxaa lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah”, ayuu yiri.

Previous Post

Ciidamada Puntland oo dagaal ku qaaday saldhig argagixisadu ku laheed deegaanka Af urur

Next Post

Turkey shuts down a major migrant route to Belarus amid rising tensions with the E.U

Next Post
Turkey shuts down a major migrant route to Belarus amid rising tensions with the E.U

Turkey shuts down a major migrant route to Belarus amid rising tensions with the E.U

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In