Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askari: “Waa halyeeyga sanadka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 2, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Askari: “Waa halyeeyga sanadka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanadkasta waxaa uu maskaxda noolaha uga tagaa sheekooyin isugu jira farxad iyo murugo, kuwaas oo ugu soo noqnoqda xusuusata hadba sida ay usaamayso ama hadaan sikale udhigo qofkasta waxaa maankiisa ku hara dhacdada u ujoogay ama looga sheekeeyay ee isaga la culus.

Faaladaan waxaan ku muujinayaa qayb ka mid ah tiirarka uu ku taaganyahay Qaranka oo duruufo itaabtay ku sugnaa sanadkii tagay,walina ku sugan,taas ayaana igu dhalisay magaca Faalada ee ah kumaa ka mudan? oo aan ula jeedo soo uma qalmaan in si wadar ah loogu aqoonsado geesiga sanadka looguna yeero ugu yaraan hadaan kaalmo kale lagu caawinkrin,waa Askariga Soomaaliyeed ee 2015.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025

Inta aadan rumayn ama diidin sida aan udhigay magaca bal ila eeg sababta aan udoortay.

Xaalada Askari Somaaliyeed ee sanadkii tagay.

Ciidamada Qalabka sida ee dalka waxaa ay wajahayeen sanadkii tagay laba xaajo oo aad isku diidan taas oo run ahaantii taabanaysa qalbiga qofka fahmaya sheekada,marka hore waxaa ay dagaal adag ugu jireen sidii ay uxasilinlahaayeen dal aan muddo ka badan labaatan sano lahayn nidaam amni,misna ay ku xooganyihiin kooxo ka mid ah kuwa ugu sharta badan rabashawadayaasha dunida kuna xididaysatay dalka oo dhan ka hor dib-udhiska Ciidanka,ku qanacsan in ay ku dhintaan si aan amni loo helin,waxaa taas barbar socday danbiilayaal u abaabulan dano ka dhan ah shaqada ciidamada sida,Qabiil,Burcadnimo,Siyaasad iyo tuugnimo,taasi waa duruufihii ay latacaalayeen.

Iyadoo intaas oo dhibaato ah ay wajaheen Ciidamada,dib ufiiri xaaladdii ay ku sugnaayeen,waxaa hubaal ah in Ciidamadu aanay haysan,adeeggii ay u kaashanlahaayeen culayskaas,inkasta oo si intii la karikaro loo daboolo ay Dawladda iyo Sxbadeeda Caalamku ka dhigteen muhiimada koowaad hadana taasi sida muuqata madaboolin baahiyaha jiray,sida qalab-yaro,tiro-yaro,Mushaar-yaro,iyo xirfadda oo xilli bilaw ah,ku jirto.

Naf-hurnimo.

Si kooban aan isku dayo in aan u tilmaamo sida ay usameeyeen Ciidamadu naf-hurnimo dhalisay guul muuqata,inkasta oo ay adagtahay in qoraal lagu muujiyo geesinimada Askariga Soomaaliyeed ee sanadkii tagay,hadana waxaan wada xusuusanaa sidii ay umaareeyeen weeraradii naf-halignimo ee Shabaab ku qaadeen meelo ay ka mid ahaayeen,Hotel Makka,Xerada Xalane,Saxafi Hotel,Mdaxtooyada Baydhabo iyo meelo kale oo ay gudaha ugu galeen wiilal udiyaar ah in ay dhintaan kana badbaadiyeen dad badan.

Duulaamaddii ay ka mid ahaayeen Shabell iyo Badwaynta India oo Askar badan ay Hawdka kula dagaalameen Shabaab ugana saareen dhul badan oo sanakaan cusub nabad ku naaloonaya,waxaa dheer maaraynta Dablayda ku midaysan kooxaha kale ee aan kor kusoo xusay sida joojinta dagaaladdii Beelaha ee ka dhacay Gobollo badan oo si dadbadan iyo si muuqataba ay Ciidamadu ula dagaalameen iyo ka ilaalinta danaha dadwaynaha Burcad meel kasta ku haystay agabka wax lagu dilo ama lagu dhaco.

Xusuusnoow duruuftii aan kasoo sheekeeyay ee Askariga qabtay hawlahaan uu ku dhex-noolaa.

Dareenkii Askariga 2015.

Waxaan sheegis iiga baahnayn Askarta ku dhimatay ama ku dhaawacmay halgankaas,ma ogtahay in qaar badan oo ka mid ah Askartii galayay goobaha ay qabsadeen Shabaab iyo kuwa Hawdka kula dagaalamayay ay kasoo tageen Qoysaskoodii oo aan haysan Qarash ay isku maareeyaan,ma ogtahay in wiilashaas qaar ka mid ah iyagoo ku jira hawl-galkaas ay misna xusuusnayeen sida uu waalidkood ugu baahnaa caawintooda,ma ogtahay in ay ogaayeen qaarkood Askarta in ay waxyeelo kazoo gaarikarto dagaalka ay galeen maadaama raga ay wajahayeen ayba rabaan dhimashada oo marhore lamarin habaabiyay.

Mudnaan.

Waa marag madoonto in ay jiraan shaqsiyaad, Kooxo ama Maamulayaal sameeyay wanaag uqalma in lagu aqoonsado,balsé yaa ka mudan kan u huray naftiisa in aad adigu nabad hesho,yaa ka mudan Askari isagoo og in uu ubaahanyahay Qoyaskiisu ka doorto in uu udhinto una dhintay badbaada dad badan oo sanadkaan soo gaaray?

Aqoonsi.

Dad badan ayaa laga yaabaa in maqaalkaan uu maskaxdooda galiyo maxaad samaynkartaa si aad ugarab istaagto nafti-huraha aan soo sheegay,intii dhimatay waxa kaliya ee aad ku caawinkarto waa duco iyo aqoonsi,kan dhaawacmay ee cuuryaamay waxa uu kaa mudan dhiirigalin go’aankiisa iyo aqoonsi,kan badbaaday balse soo dhibtooday walina ku taagan jidkii ay ku baxeen saaxiibadiis wuxuu kaa mudanyahay in aad tusiso niyadda aad uhayso shaqada adag waxaana tusaalaha barri u ah sida aad uqadariso saaxiibkiisii shalay.

Hiigsiga Askariga.

Waxa kaliya ee aan oganahay in uu filo in uu ka gaaro halgankiisa Askariga waa Soomaaliya oo lasoo noqota wixii uga lumay Colaadda,qaar ka mid ah kuwaas, waay ogyihiin in aanay guran doonin miraha halgankooda,ama aanay noqon doonin ku hela inta ugu badan,waxeey si maalinle ah u arkaan kuwa ka macaashay dhiigga kuwa dhintay oo hadana uga mahadcelin, badalkeedana dhagahooda maqashiiya erayo aanay jeclaysan,balse isku darka xumahaas oo dhabi nama tusin Askari shaqada uga tagay,waxaan aragnaa markasta Ciidamo loosoo Xiray tababar ama loo furay,waxaa kaloo xaqiiq ah in ay jiraan kuwo ay maskaxdooda ka guuxayso in ay ku biiraan Ciidamada.

Gabangabo.

Inta aay garashadaydu tahay,cidna kama mudna in aan u aqoonsano sanadkii 2015 kii Askariga,ogoowna sanadkii tagay kama bilaaban halganka Ciidanku waxeeyse kuwii naftooda noo huray sanadii ka horreeyay lawadaagayaan kuwii sanadkii tagay aqoonsiga iyo ducada.

Qofbaa laga yaabaa in aysan ula waynayn sida ay iila wayntahay sheekadaan,balse haddii aad garwaaqsantahay abaalka kuwii udhibtooday Xorriyadda,ama u dagaalamay dalka Xorriyaddii ka dib,qalbiga ku haay in dagaalku ka adagyahay maanta,kuwa,imkaaniyaadku ka yaryahay,Soomaalidii joogtay waayahaasna iska jeclayd tan maanta.

Askariga ayaa ah mudanaha 2015.

W/D: Agaasime Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo tababbar u furay dhallinyaro ka kala timid 17-ka Degmo ”SAWIRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo tababbar u furay dhallinyaro ka kala timid 17-ka Degmo ”SAWIRO”

Maamulka Gobolka Banaadir oo tababbar u furay dhallinyaro ka kala timid 17-ka Degmo ”SAWIRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In