Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Agaasimihii Madbacadda Qaranka Axmed Faarax Gaatamow oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Aaska waxaa ka qeygalay masuuliyiin ka socday wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah bahda warbaahinta iyo ehelka marxuunka geeriyooday.
Madaxda iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo uu la soo shaqeeyay mudo dheer Axmed Faarx Gaatamoow Agaasimihi madbacada qaranka ayaa ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi afgaaban oo laga nabad galo.
Allaha u naxariistee Axmed Faarax Gaataoow ayaa ka soo shaqeeyay warbaahinta gaarka loo leeyahay sidda idaacada shaballe, Idaacada Codka nabada oo uu Agaasime ka soo noqday, iyo warbaahinta qaranka uu xilal kala duwan ka soo qabtay, sidda Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) Agaasimaha Radio Muqdisho, iyo Agaasimaha Madbacada qaranka,