Sahra Shiikh Amiin Markeezi, waxa ay ahayd saxariyada ka tirsan Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan SNTV oo ay ka ahayd Filimqaade muddo ka badan 4 sano.
Sahro Aabaheed Sheikh Maxamed Amiin Markeezi waxa uu ka soo mid noqday masuuliyiinta farsamada Telefishanka Qaranka.
Sahra ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka degmada Shangaani, ka hor intii aan loo magacaabin guddoomiyaha degmada iyadoo intii ay joogtay ku soo kordhisay adeegyo muhiim u ah bulshada degmadaas.
Sahra Allaha u naxariistee waxa ay isbitaalka ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qaraxii argagixiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Xasan Maxamed Sabriye