Waxa uu ahaa sharci yaqaan khibrad dheer u leh arrimaha sharciga oo la soo shaqeeyay inta badan guddoomiyeyaashii gobolka Banaadir soo maray.
Waxa uu ka soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan dowladda hoose ee Xamar.
Waxaa lagu sifeeyay in uu ka mid ahaa dadka ugu khibradda badan dhinaca sharciga iyo dowladaha hoose.
Waxa uu ahaa la taliyaha dhinaca sharciga ee guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa 70 jir, waxaa uu ku geeriyooday qaraxii argagixiso ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.