Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Axmed Macallim Fiqi Oo Ka Qeyb-Galay Caleema Saarka Guddoomiyaha D.Xudur

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Axmed Macallim Fiqi Oo Ka Qeyb-Galay Caleema Saarka Guddoomiyaha D.Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Xudur, caasimadda Bakool ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare loosoo agaasimmay oo lagu caleemosaaray guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo la caleemasaaray ayaa golaha hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mudane Fiqi, waxaa uu kala hadlay dadka deegaanka in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay xorreynta dalka isaga oo intaa raaciyey in Xudur iyo deegaannada la midka ah ee go’doonsan laga korqaadi doono culeyska argigixisada Shabaab, laga geynayo adeegyo lagu hormarinayo nolosha dadka.

Khudbadda wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi waxaa kale oo ka mid ahaa in uu ka shaqeynayo arrimaha xasillinta ee deegaannada laga xorreynayo argigixisada Shabaab iyo weliba baahinta maamulka iyo adeegyada.

Mudane Fiqi, inta uu Xudur joogay waxaa uu booqasho ku tagay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha isaga oo indhaindheeyey xaaladda guud, dhageystana baahida maamulka iyo shacabka.

Booqashada wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ee Xudur ayaa imaaneysa saacado yar uun kadib markii uu ka degay Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed halkaaas uu kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan.

29-kii Oktober ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha mudane Axmed Fiqi uu booqasho ku tagay Buulabudre ee Hiiraan oo ah mid go’doonsan, waana tallaabo ay wasaaradda uga warheyneyso dadka iyo deegaanadda, gaar ahaan kuwa ay ka jirto dhibaatada daran.

Tags: Axmed Macallim Fiqi Oo Ka Qeyb-Galay Caleema Saarka Guddoomiyaha D.Xudur
Previous Post

Shirka Wasiirrada Gaadiidka Oo Ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Lataliyaha Xariirka Caalamiga ah

Next Post
Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Lataliyaha Xariirka Caalamiga ah

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Lataliyaha Xariirka Caalamiga ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In