Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Axmedโ€œWaxaan u imid inaan uduceeyo Shan kamida saaxiibaday oo Qaraxii Zoobe ku geeriyooday”

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Axmedโ€œWaxaan u imid inaan uduceeyo Shan kamida saaxiibaday oo Qaraxii Zoobe ku geeriyooday”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo kale saddex sanno ka hor 14-kii Oktoobar 2017 argagaxisada Al-shabaab ayaa gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa waxa ay la beegsadeen isgoyska Soobe oo ah goob mashquul badan.

Maleeshiyada ayaa xilliga ay qaraxa la beegsanayeen isgoyska wuxuu ahaa mid saxmad badan, oo waxey aheyd xilli galab ah dadku ay ku socdeen guryahooda iyagoo kasoo baxay goobahooda shaqada iyo waxbarashada.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Waa maalin xusuus xanuun badan ku leh ummadda Soomaaliyeed oo ku waayay ku dhawaad 600 oo ruux halka dhaawacuna uu intaas ka badnaa.

โ€œWaxaan u imid inaan uduceeyo Shan kamida saaxiibaday oo Qaraxii Zoobe ku geeriyooday” ayuu yiri Axmed Cabdulqaadir Ciise oo Saddex sano ka hor ka badbaadey Qaraxii 14-kii Oktoobar.

Axmed, wuxuu xilligaas ganacsi yar ku lahaa isgoyska Soobe,wuxuu warbaahinta Qaranka u sheegay in maalintaas ay aheyd mid murugo ku reebtay oo uu ku waayay illaa shan kamid ah saaxibadiis, oo hal goob ay iskala shaqeynayeen.

Axmed oo ah farsamo yaqaan furayaasha ku sameeya Soobe waxaa uu dareemaya murug, maaddaama saaxibo qaali ah uu ku waayay musiibada,wuxuuna sheegay in makiinadii uu ku qorayay furayaasha ay ku gubatay qaraxa inkastoo uu tilmaamay in loo geday.

โ€œMakiinadii aan furayaasha ku sameysanayay oo iga gubatay wiil saaxibkey ah oo dibadda jiro ayaa iigaday,shaqadeydi halkeedi ayaan kasii wataa, isgoyska Soobane waan joogaaโ€

Axmed ayaa xusay in aysan rajo dhigi doonin oo qadarta Alle ay ku qanacsanyihiin haddane uu sii wada doono ganacsiga uu ku leeyahay Soobe.

Isgoyska Soobe ayaa saddex sanno kaddib kasoo kabtay burburkii kasoo gaaray qaraxii ugu weynaa ee abid ka dhaca Afrika kaas oo argagixsada Al-shabaab ay ku gumaaday shacab aan waxba galabsan, balse waxey xusuuso xanuun badan ย ku reebtay quluubta dadka Soomaaliyeed oo ku waayay 587 ruux oo ahaa indhaha bulshada.

Previous Post

Bangiga adduunka oo 12 bilyan u qorsheeyay dalalka soo koraya si ay u helaan tallaalka Covid-19

Next Post

Mareykankaโ€œWali waxaan la murugooneynaa dhibaatada qaraxii Soobeโ€

Next Post
Mareykankaโ€œWali waxaan la murugooneynaa dhibaatada qaraxii Soobeโ€

Mareykankaโ€œWali waxaan la murugooneynaa dhibaatada qaraxii Soobeโ€

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hayโ€™adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In