Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baahiyo dhanka caafimaadka ah oo ka jirta deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud “SAWIRRO”  

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Baahiyo dhanka caafimaadka ah oo ka jirta deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud “SAWIRRO”  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cadakibir oo 67-km dhinaca koofur bari ka xigta magaalada Cadaado oo guduheeda ay ku nool yihiin in ka badan 1500 oo Qoys, hareeraheedana ay daganyihiin kumanaan kale oo reer Guuraa iyo dadka tuulooyinka ku nool isugu jira ma laha wax Isbitaal ah, waxaana bulshada halkaasi ku nool dhibaato wayn ku haya adeeg la’aanta caafimaadka, gaar ahaan Hooyada iyo dhallaanka.

Xarun MCH oo bixisa adeegyo kooban ayaa ku taal Cadakibir, taas oo aan wax ka qaban karin xaaladaha deg degga ah, sida ay inoo sheegtay Kaafiyo Abshir Cadaawe oo ka mid ah hawlwadeenada xarunta Hooyada iyo Dhallaanka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Dhawr Haween ah ayaa geeriyooday xilliga Foosha, ka dib markii ay waayeen wax gurmad caafimaad ah, lama hayo wax tira koob ah.

Daahir Ugaas Daa’uud oo ah Guddoomiyaha Cadakibir ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Hooyada iyo dhallaanku ay yihiin kuwa ugu daran ee xaaladaasi saamaysay, uuna xasuusanyahay ilaa 5- Haween ah oo umul raacday, kuwaas oo jidka ku sii dhintay inta loo sii waday Cadaado.

Macalin Axmed Cismaan Khayre oo macalin duigsi Qur’aan ka ah Cadakibir xaaskiisa ayaa 2-sano ka hor umul raacatay, waxa uuna hadda hayaa 13-Carruur ah oo ay ka tagtay, isagoo ka walwalsan hadii xaaladaas adeeg la’aanta caafimaadku ay sii jirto inay dad badani u dhintaan daryeel la’aan.

Iskuulka Cadakibir oo ay dhightaan ilaa 150 Arday, ayaa isagana waxaa ka muuqda dayac dhinacyo kala duwan ah, malahan Musqulo, iyadoo darbigiisana qaybo ka mid uu burbursanyahay, waxaana taas sii dheer macalimiinta Iskuulka oo aan mushaar loo haynin.

Maamulka iyo bulshada Cadakibir ayaa Isxilqaan ku dhisay xarumaha adeegyada bulshada, iyagoo kaashanaya qurbajoogta, waxaana hadda ay doonayaan in laga gacansiiyo Dhismaha Isbitaal ay magaaladu yeelato iyo dhamaystirka xarunta maamulka magaalada oo qabyo ah.

 

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Warka Subaxnimo

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In