Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baahiyo dhanka caafimaadka ah oo ka jirta deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud “SAWIRRO”  

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Baahiyo dhanka caafimaadka ah oo ka jirta deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud “SAWIRRO”  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cadakibir oo 67-km dhinaca koofur bari ka xigta magaalada Cadaado oo guduheeda ay ku nool yihiin in ka badan 1500 oo Qoys, hareeraheedana ay daganyihiin kumanaan kale oo reer Guuraa iyo dadka tuulooyinka ku nool isugu jira ma laha wax Isbitaal ah, waxaana bulshada halkaasi ku nool dhibaato wayn ku haya adeeg la’aanta caafimaadka, gaar ahaan Hooyada iyo dhallaanka.

Xarun MCH oo bixisa adeegyo kooban ayaa ku taal Cadakibir, taas oo aan wax ka qaban karin xaaladaha deg degga ah, sida ay inoo sheegtay Kaafiyo Abshir Cadaawe oo ka mid ah hawlwadeenada xarunta Hooyada iyo Dhallaanka.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Dhawr Haween ah ayaa geeriyooday xilliga Foosha, ka dib markii ay waayeen wax gurmad caafimaad ah, lama hayo wax tira koob ah.

Daahir Ugaas Daa’uud oo ah Guddoomiyaha Cadakibir ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Hooyada iyo dhallaanku ay yihiin kuwa ugu daran ee xaaladaasi saamaysay, uuna xasuusanyahay ilaa 5- Haween ah oo umul raacday, kuwaas oo jidka ku sii dhintay inta loo sii waday Cadaado.

Macalin Axmed Cismaan Khayre oo macalin duigsi Qur’aan ka ah Cadakibir xaaskiisa ayaa 2-sano ka hor umul raacatay, waxa uuna hadda hayaa 13-Carruur ah oo ay ka tagtay, isagoo ka walwalsan hadii xaaladaas adeeg la’aanta caafimaadku ay sii jirto inay dad badani u dhintaan daryeel la’aan.

Iskuulka Cadakibir oo ay dhightaan ilaa 150 Arday, ayaa isagana waxaa ka muuqda dayac dhinacyo kala duwan ah, malahan Musqulo, iyadoo darbigiisana qaybo ka mid uu burbursanyahay, waxaana taas sii dheer macalimiinta Iskuulka oo aan mushaar loo haynin.

Maamulka iyo bulshada Cadakibir ayaa Isxilqaan ku dhisay xarumaha adeegyada bulshada, iyagoo kaashanaya qurbajoogta, waxaana hadda ay doonayaan in laga gacansiiyo Dhismaha Isbitaal ay magaaladu yeelato iyo dhamaystirka xarunta maamulka magaalada oo qabyo ah.

 

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Warka Subaxnimo

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In